Posts

Showing posts from July, 2021

Yusuf Garaad

Maaddaama ay Muqdisho ku soo bateen dhallinyaro badan oo doonaya in ay kursi u tartamaan, qaar badan oo magaalada hore u joogayna ay hiyi kaceen oo ay xusulduubka qeyb ka yihiin, waxay ila noqotay in aan mar kale saaxiibbadeey xusuusiyo talo aan sannadkii hore kula wadaagay isla boggaan: Marka xil laguu doorto ama laguu magacaabo ka dib ma baran kartid dhaqan cusub.  Markaas ka dib ma billaabi kartid in aad noqoto qof aammin ah, isla weyni ka maran, dhegeysta qofka la hadlaya, qaata talada wanaagsan, naxariis badan, leh dulqaad, dalka kala yaqaan, ka fog laba wajiileyn, aqoon urursaday iyo khibrad badan, aan u yeelin waan yeeli karaa darteed, haddana codkar ah. Natiijada cod la qaaday ama warqad la saxiixay kaama dhigi kari doonaan qof aadan hadda ahayn. Marka xil laguu magacaabo waxa keliya oo aad iska beddeli kartaa waa lebbiskaaga.  Lebbiska nooca cusub waxaad ku dhex jireysaa adiga oo ah isla qofka aad hadda tahay. Suud iyo muraayado cad oo aan kuwa akhriska ahayn waa kuu ekeysiin

Shaworka , shirka ,khilaafka

Image
Showrka, shirarka, khilaafka, hanjabaadda, heshiiska, ololaha iyo hadalheynta saxaafadda ee doorashadu waa ay socdeen tan iyo sannadkii hore.  Hadda waxaad mooddaa in jawi doorasho oo dhab ah la galay, maaddaama la og yahay nooca, xilliga iyo goobta doorashada iyo waliba cidda maamuleysa. Murashixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka, murashixiinta Madaxtinnimada dalka, Guddiyada doorashada ee kala heerka ah iyo hey’adaha amniga doorashada intuba waxay ku jiraan diyaar garow. Waan hubaa in aan saxaafaddu cidna uga baahneyn xusuusin oo ay dhinaceeda uga jirto diyaar garow isugu jira helidda taariikhda murashaxa, qabashada doodo muujiya fahamka, miisaanka iyo hadafka murashaxa. Sidoo kale habka xulista ergooyinka, xeerarka la adeegsanayo, cidda qabaneysa lacagta is diiwaangelinta iyo sida ay u maamusho, sida ay cod bixintu u dhacdo, amniga goobta iyo hannaanka loo wajaho iyo sida loo qaado dacwadaha wixii tabasho ah ee yimaada.  Waxaanse is weydiiyaa, maaddaama ay jiraan eedeymo ah in laaluu