Posts

Showing posts from December 19, 2020

QURUXDA HAASAAWAHA

QURUXDA HAASAAWAHA Markii aad baarto ama aad isku howsho in aad wax badan ka ogaato xiriirrada burburay ama kuwa guuleystay waxaa kuu soo baxaya sababaha uu midna ku fashilmay midna ku hirgalay.  Intii aan ku guda jiray daraasaddan waxa aan ku ogaaday, kala duwaanashaha iyo aragtiyaha ay ka qabaan dhalinta xiriirka haasawaha/shukaansiga iyo habka isfahamka heshiiska guurka loo maro. Qaar badan oo innaga mid ahi waxa ay qabaan in la daahiyo xiriirka si la isku fahmo oo loo qaato waqti fara badan, midkoodna kan kale dhuuxo oo dhadhansado heerka nolosha uu ka joogo. Dhanka kale inbaa qabta in la dedejiyo oo aan waqti badan lagu bixin wada sheekaysi, howshana ficil loo beddelo oo la isku afgarto haddiiba.  Kala duwanaashaha iyo fogaanta u dhaxeysa labadan koox, waxa ay sababtay in ay yaraato ama sii adkaato, is fahamka lammaanno badan oo jeclaa in ay ku midoobaan nolosha.  Mar haddii culeesku yahay waqti wada socodka waxaa quman in la helo aragti u dhaxeysa lammaanaha doonaya in ay is hant