Posts

Showing posts from January 4, 2021

Dhawrkii maalmood ay ciyaara socdeen

Dhowrkii maalmood ay ciyaaraha Maamul goboleedyada socdeen siyaasad iyo siyaasi warkiisaba waa laga mashquulay. Hadda sheekadii sidii hore ayay ku laabatay. Dalkeena wuxuu la' yahay dad hal abuur iyo xirfad leh oo shacabka maaweeliya Sports ahaan, Aflaan iyo Ruwaayado ahaan iwm. Marhore ayay siyaasiyiintaan qaabdarada badan qiimo beeli lahaayeen, shacabkana isku soo dhawaan lahaa inbadan, haddii barnaamiyo badan oo maaweelo iyo qaar bulsho oo waaqici ah dadka loo sameyn lahaa. Nasiib xumo hadda siyaasiyiin tuugo u badan oo dalkaanna aanan meel wacan u wadin ayaa booskii Atoorayaasha iyo Ciyaaryahanada iwm noogu jira oo habeen maalin sawiradooda iyo wararkooda aan ku waaberiisanaa, kuna seexanaa. Dadka hal abuurka iyo xirfadaha sare leh waxaan ugu baaqayaa inay Teknoolajiyada jirto ka faa'iideystaan oo Masraxa ay siyaasiyiintan wareersan kala wareegaan, shacabka isku soo dhawaashihiisana ka shaqeeyaan. Galab wanaagsan dhamaantiin. xigasho Ahmed kadiye 

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan

Waxaa la soo gudboonaaday xanuun aad u daran oo sababi karay in uu naftiisa ku waayo, markii ay intaas ogaatay bey oysay, weyna awoodi waysay in ay ilmada ceshato. Qalliin dibadda ah oo loo qaadayey buu ogeysiiyey, iyadiina ma aysan sagootin, xitaa uma aysan qorin “nabadgalyo.” Sidaas ayuu ku baxay walow uu dareemayey niyadjab ku aaddan sagootin la’aanteeda. Nasiibwanaag, qalliinkii waa lagu guuleystay waxa uuna helay wadne loogu deeqay oo noloshiisa lagu badbaadiyey. Markii uu soo kabsaday buu taleefoonkiisii ku booday, waxa uuna ka baarayey farriin ama wicitaan xaggeeda ah, isaga oo aad uga walwalsanaa in uu warcelinteeda ka habsaamay, laakiinse taasi ma aysan dhicin, waayo ma aysan soo wicin dhambaalna warkiisa daa. Muddo ka dib, markii uu bogsaday buu dalkiisii hooyo ku noqday, haddana gurigii buu ka waayey oo ma aysan joogin. Isaga oo caro iyo cuqdad is celin la’ buu weydiiyey gabadha hooyadeed, halka ay lammaantiisu qabatay iyo sababta ay u soo xiriirin waysay xilligii uu geerida