Posts

Showing posts from November 28, 2020

Gabdha dunida ogu samaynta badan

Image
waxaa ka  mid ah 2 Gabdhood oo soomaali ah Elwad elman iyo  ubax   BBC waxay soo saartay liiska 100 haween ee ugu saameynta badan dunida sanadka 2020-ka. Iyadoo dunida uu xilligan saameeyay cudurka Koroona, dumar fara badan oo ku sugan guud ahaan dunida ayaa qabtay shaqooyin ay ku caawinayaan dadka kale halka qaar ay naftooda ku waayeen kaalinta iyo dadaalka ku aadan caawinta bulshada. Diiwaanka BBC-da ee 100 haweenka ee sanadkan 2020, waxaa lagu xusay Elwaad Elman oo ah gabar soomaaliyeed oo ka shaqeysa arrimaha bulshada iyo 10 kale oo dumar ah oo kasoo jeedo dalalka carabta. Ilwaad Elman waa gabar Soomaaliyeed oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada, muddana ka howlgalaysay gudaha magaalada Muqdisho. Ilwaad oo ku soo barbaartay qurbaha waxna ku baratay ayaa markii dambe go\"aansatay inay dalkeeda hooyo dib ugu laabato si ay gacan u gaysato soo kabshada dalka. Waa gabar hogaamiye ah oosafka hore uga jirta ka shaqeynta arrimaha nabadda ee Soomaaliya, waxayna kaalin ka qaaday arrimaha

Muqdisho Taloyin

 10kaan Qodob Ayaan U Jeedinayaa Qof walbo Oo Muqdisho ku nool Gaar Ahaan Dhalinyarada. 1- Waxaad yareeysaa tagitaanka Hoteelada iyo Maqaayadaha, gaar ahaan kuwa horay loo weeraray iyo meelaha amnigooda aan sugneen. 2- Habeenki markaad rabto inaad aado goob maqaayad ah ama Hotel. Fadlan aad wixii ka bilowda 20:00 ilaa 9:30 3- Hadii aad naftaada jeceshahayna iskaba dhaaf inaad maqaayad habeenkii aado. 4- Maalmaha Khamiista, Jimcaha, Sabtiga iyo Axada ha u bixin magalada gaar ahaan goobaha halista badan.  5- Sameeysta adiga iyo asxaabtaada Guri aad ku caweyn kartaan oo waqti wanaagsan ku qaadan kartaan. Gaxwo iyo Shaah sameysta iyo daango. Halkaas Shita 6- Reero Maqaayad hadii aad tahayna, Kaliya hal maqaayad oo aad isleedahay Waa save ugu yaraan aad. (ha aadin marwalba dhoor meel oo kala duwan) 7- Wadooyinka halista badan maritaankeeda aad u yareey. Sidoo kalana wadooyinka xaafadaha xiliyada dambe hamarin 8- Hadii saxibkaa ama saxibadaa inta kusoo wacdo/waco oo ku dhahdo Caawa meel hebe