Posts

Showing posts from May 30, 2021

Sharma Bay war bixin ku saab san

Arrinta Sharma ayaa waxaan rabaa inaan waxyar ka dhaho. Waxaana hadalkayga u kala qeybinayaa mid aan u wado isla Fanaan Sharma Boy, mid ku socda dhamaan Wariyaasha Soomaaliyeed iyo dadka Macruufka ka ah baraha bulshada, sidoo kale hadal ku socda wixii dhalinyaro ah ee guud ahaan Hawiye ku abtirsada iyo gaar ahaan kuwa Habargidir ku abtirsada. Iyo sidoo kale hadal Dowladda Soomaaliya ku socda, hana ka reebin hadal ku socda Daahir Calasoow. Marka koowaad waxa Sharma Boy ku dhacay waa arrin aad looga xumaado. Sharma Boy waa Xiddig da' yar oo shacbiyad badan leh, waxaa lagu sameeyay weerar bahdilaad ah oo Xirfaddiisa iyo xataa maskaxdiisa saameyn kara. Waxaa la saaray rakaato, waxaana lala damacsan yahay gumeysi fikir. Koow Sharma Boy waxaan dhihi lahaa: Walaaloow waxa kugu dhacay si weyn ayaan uga xumahay, tan kale Rag Ciil cadaab ayuu ka doortay. YouTube-ka lagaa dhacay dhan ka samar, xataa haddii laguu soo celiyo, tusi qofka cinwaanka kaa xaday inuusan arrinkaas kugu gumeysan karin,