Posts

Showing posts from January 28, 2021

Markii uu jiray labo sano oo qudha waxaa yaqaannay 4 luuqadood🙈😳

Markii uu jiray laba sano oo qudha waxa uu yaqaannay 4 luuqadood - Kuuriyaan, Jabbaan, Ingiriisi iyo Jarmal. Afar jir markii uu noqday waxa uu ka shaqeeyay xisaab "calculus" ah iyada oo si toos ah looga daawanayo telefishannada Jabbaan. Lix jir ayaa uu kaga baxay Jaamacadda Hanyang oo uu ka bartay "Physics". Isaga oo aan weli qaan gaadhin sannadkii 1975-kii ayaa uu qaatay shahaadada ugu sarraysa ee PhD. Waxa la sheegaa in isaga oo aad u yar uu u shaqo tagay Maraykanka. NISA ayaa uu ka qabtay shaqo aad u sarraysa oo lacag badan. Toban sano kaddib markii uu lacag ka dhergay shaqadii waa uu isaga tagay waxa uu sheegay in aanu ku qanacsanayn islamarkaana aanu dareemayn haba yaraatee wax farxad la yidhaahdo. Kuuriyada Koonfureed ayaa uu ku laabatay waxaanu macallin ka noqday dugsi yar oo ku yaalla gobol aad u fog si uu uga dheeraado shaashadaha caalamka. Barafasoor Kim Ung-yong waa qofka aadduunka ugu fahmo badan xilligan la joogo. IQ-ga maskaxdiisu waa 210.  Weligii dii