Posts

Showing posts from December 9, 2020

Xiriir la’aan ha noqon haba xumaadee

Xiriir la’aan ha noqon haba xumaadee! Marka aad ciwaanka aragtid waxaa laga yaabaa inaad iswaydiisid maxaa loo la jeedaa? waxay qormadaanu qeexaysaa, sida qofka dhallinyarada ah looga baahan yahay inuu xiriir yeesho, hadduu doono kii dhabta ahaa yuusan ahaane. Macnuhu waxaa weeye in aanad jarin haasaawaha duruuf kastoo jirta, ama dhacdooyin ku soo maray awgood.  Taasi waxay la micna tahay markasta oo aad xiriir leedahay waxaad ku jirtaa saaxadii/beertii lammaanayaasha. Taasi waxay ugu dambayn ku sahlaysaa inaad lammaane xul ah, ku qalma adna aad u qalantid heshid.

Maxaa uu Guursan waday?

MAXAA U GUURSAN WAYDAY.? Guur aa! ha igu soo hadal qaadin, xitaa kuwa is guursanaya ayaa aan oran lahaa iska daaya haddii ay iga talo qaadanayaan. Noloshaydii isma lahayn cidbaa kaaga baahi badan, cidbaa kaa jecel, cidbaa kaaga horumari ama cidbaaba u aamminsan adiga camal. Shan iyo tobansano ayaa laga joogaa dhismaha reerkii ugu horreeyay ee aan yagleelo, waxa uu ahaa qalad iyo qoomamo aan ka harin noloshayda, waxa aan is iraa toloow miyaanan la helin meel xasuusaha lagu mayro. Ma ogtahay waydiintaadani waxa ay damqisay boog qolofaysatay, se adigu aad si fudud diirka uga qaaday maanta, ax axeey ax iima nixin oo iima hambayn xitaa. Guur, jacayl, calmasho, hanti, waqti siin iyo nuglaansho markii aan maqlo, waxa aan uga naxaa sida geerida looga naxo. Mar waxa aan iraahdaa yaa kuu soo celiya waqtigii iyo waayihii, marna waxa aan iraahdaa waa wiirsi ku dhaafay e waxba ha u hilloobin hallaaggaas. Ma jecli in aan ka sheekeeyo nacaybkii aan u qaaday gabar Soomaaliyeed, maxaa iga bi'i laha