Posts

Showing posts from December 13, 2020

Nin ayaa garaacay Xaaskisa

Nin ayaa garaacay Xaaskiisa: Waxay tiri iyadoo Oyneysa waan bixi doonaa si aan kaaga Dacwoodo. Wuxuu ugu Jawaabay : yaa ku yiri " waxaan kuu ogolaan doonaa inaad baxdid. Waxay tiri: ma waxaad u malaysaa inaad ii diidi karto!!!. Si la yaableh ayuu ugu yiri: waxaad doonto samee. Waxay aaday Xagga Suuliga ( Musqusha), markii ay gashay buu is yiri " Show waxay ka boodi rabtaa Daaqadda..". Wuxuuna u cararay banaanka , wuxuuna ku sugay Daaqadda , mana aysan sameyn siduu filayay, Gudaha ayuu ku soo laabtay wuxuuna istaagay Albaabka Agtiisa...  Wuxuu ogaaday inay ka soo baxday iyadoo weysa qabta. Waxayna ku tiri " waxaan kaaga dacwoonaa , kii ikaa siiyay , ee maaha Daaqadaada, Albaabkaaga , iyo Telfoonkeyga ". Wuu ka jeestay, wuuna fariistay , isagoo Aamusan oo fikiraya. Wey ka sii dhaqaaqday , weyna Dukatay, waxayna ku dheeraatay Sujuuda. Markii ay ka baxday Salaaddii , ayey Gacmaheeda kor u taagtay , markaas ayuu gacmaheeda qabtay , Kuna yiri " makugu Filno miya