Posts

Showing posts from January 2, 2021

Maxaa Siyaasiga Soomaaliyeed deris kala dhigay han yarida, hoorinnimada,iyo kalsooni darrada.

Image
Maxaa Siyaasiga Soomaaliyeed deris kala dhigay, han yarida, hoorinnimada, iyo kalsooni darrada.  November 15, 2020  Saaxiib xog ogaal ah ayaa ii sheegay in Madaxweyne Mustafa Omer, cidi ka codsan in uu kalmad ka dhiibto gulufka colaadeed ee lagu qaaday gobolka Tigray. Sidaa si lamida uusan asagu xataa talo iyo aragti weydiin Abiy Ahmed, si waxa uu saxaafadda la hortagayo isugu ogaadaan. Haddii xogtaasi rasmi tahay. waxaan is weydiiyey sababta siyaasad xumada iyo kalsooni daradu ay deris ula tahay hogaamiye kasta oo Soomaaliya? Doorashadii Kenya ee December 2002 ayaa Soomaalida oo u jeeda in Daniel Arap Moi iyo Uhuru Kenyatta (oo siyaasadda ku cusub) oo wada socda iyo Mwai Kibaki, oo madaxweyne ku xigeen u ah Daniel Arap Moi, oo murashax ah ayaa xubnihii siyaasadda iyo baarlamaanka ugu jiray Soomaalida oo saddex iyo toban (13) xubnood ahaa baroosinka ag dhigteen Arap Moi. Saxaafadda iyo isku soo baxa doorashada ayaa xildhibaanada Soomaalidu, uga nacamleynayaan Uhuru Kenyatta, oo wiil ya