Posts

Showing posts from February 7, 2021

Xilligan lagu jiro Suxufiyiinta Soomaaliyeed mas‘uulid weyn ayaa ka saran

Xilligan lagu jiro Suxufiyiinta Soomaaliyeed mas’uuliyad weyn ayaa saaran, sababtoo ah Soomaaliya marka horeba waa dal ka soo kabanaya dagaallo dabo dheeraaday welina meelaha qaar ka socda. Waxa la galay xilli Doorasho oo siyaasiga damaca leh ay la fududdahay in uu nafo badan galaafto si uu Kursiga u fuulo ama uu u sii xejisto haddii uu iminka ku fadhiyo, oo uu weliba noqdo qofka ugu horreeya ee tacsiyeeya dadkii uu sababta u ahaa dhimashadooda. Warbaahinta waxa la gudboon in ay taxadar badan ka sameeyaan wararka abuuraya iskudhaca bulshada, ammaandarrada iyo sii hurinta khilaafaadka. Warbaahintu waa in ay dhex u noqdaan mucaaradka iyo muxaafidka, islamarkaana ay soo gudbiyaan wararka xaqiiqada ah iyaga oo dhinacyo badan ka fiirinaya.