Posts

Showing posts from January 7, 2021

wan dhiman karaa ee dhaxal iga reeba😹🌹

..Sababa ay gabdhaha badankood ugu dhibtootaan jacaylka ayaa ah is adkayntooda hore iyo wax bixin la\"aanta dhankooda, waana ta keentay in iyada bes la maalgaliyo hadhowna laga jaro dhammaan waxyaabihii la baray. Si siman u qaybsada xiriirinta, haddiyaha, hadallada, howsha iyo isku qiradda qiimaha aad isku lee dihiin. Haddii kale hadhoow waxaa tiraa naagbaa iga kaxaysatay nin aad adiga dayac day oo kugu daalay. Qish intaa ka badan buugta ka akhrista.😂 Waa dhiman karaaye dhaxal iga reebta. xigasho lamafilaan

Maseerka wanagsan

Tippen Sie hier, um mit dem Komponieren zu beginnen ... Maseerka wanaagsan! Maseerka wanagsan waa midka marka aad aragto aad ka qaaddo awoodo isla markaana ku jecleysiiyo inaad sidaa noqoto ama aad ku dadaasho helisteeda adigoon dareemeynin wax xumaan ama cuqdada ah. Maxaa kaa maseeriya?! Aniga waxaan ka maseeraa 1) hooyo xaafid qur'aan ah 2) gabar meel sare waxbarsha ka gaarta 3) hooyo soo saarta caruur waxtar leh 4) gabar gabar kale Allaah dartiis u caawiso, Islamarkaana aan ku sheegan 5) gabar hooyadeed ama waalidkeed wax wanagsan u qabato sida deynta oo ay ka guddo, guri u dhisto, xajka geyso oo heyso una adeegto marka ay shaqo gabto 6) hooyo ilmaheeda iyo gurigeeda subixii salaadda inta u soo kacdo habenkiina qofka ugu danbeeya seexiso, Isla markana nafteeda aan hilmaamin oo waqti siiso daryelka nafteeda 7) iyo aabaheey Allaah ha u naxaristee oo helay hooyadeey oo aniga tarbiya wanagsan i siisay nafteeda wax badan ii hurtay. Heerkan jogana i gaarsiisay, mar walbana tiirka ii a