Posts

Showing posts from December 11, 2020

Sheeko kaftan ah

Image
Tippen Sie hier, um mit dem Komponieren zu beginnen ... Sanadkaan 2021 Xildhibaanimo ama Wasiirnimo ayaan u sharaxanahay, shuruudaha hadda yaalana waan buuxiyay ayaan filayaa. 1 - Laptop yar oo boojo ah waan wataa 2- Baasaboor Ajnabi ahna waan wataa oo haddii ay qashqashaad dhacdo aan kusoo carari karo. 3- Dhowr Suud waan soo iibsaday 4- Tolka aan Kursiga ugu fariisan doono ee tolkayga ahna inta uu u kala baxo iyo odayaashoodaba dhib malaha waa la i kala bari karaa. 5- Af-Soomaali yar oo lagu khudbeyn karana waan aqaanaa. 6- Afar xaboo Ingiriis ahna jeebka ayaan ku wataa. 7- Sawiro badan gelidna shaki la'aan waan bilaabi karaa. Sawirkaan hoosena waa musharraxa idin la hadlayo. Marka maxaa shuruud kale ah oo ii dhiman odayaal? #Kaftan  - Habeen wanaagsan  xigasho Ahmed kadiye