Posts

Showing posts from July 29, 2021

Yusuf Garaad

Maaddaama ay Muqdisho ku soo bateen dhallinyaro badan oo doonaya in ay kursi u tartamaan, qaar badan oo magaalada hore u joogayna ay hiyi kaceen oo ay xusulduubka qeyb ka yihiin, waxay ila noqotay in aan mar kale saaxiibbadeey xusuusiyo talo aan sannadkii hore kula wadaagay isla boggaan: Marka xil laguu doorto ama laguu magacaabo ka dib ma baran kartid dhaqan cusub.  Markaas ka dib ma billaabi kartid in aad noqoto qof aammin ah, isla weyni ka maran, dhegeysta qofka la hadlaya, qaata talada wanaagsan, naxariis badan, leh dulqaad, dalka kala yaqaan, ka fog laba wajiileyn, aqoon urursaday iyo khibrad badan, aan u yeelin waan yeeli karaa darteed, haddana codkar ah. Natiijada cod la qaaday ama warqad la saxiixay kaama dhigi kari doonaan qof aadan hadda ahayn. Marka xil laguu magacaabo waxa keliya oo aad iska beddeli kartaa waa lebbiskaaga.  Lebbiska nooca cusub waxaad ku dhex jireysaa adiga oo ah isla qofka aad hadda tahay. Suud iyo muraayado cad oo aan kuwa akhriska ahayn waa kuu ekeysiin