Posts

Showing posts from December 10, 2020

Sheeko isoo jiidatay

1: "Waxa ay baarayaan iimahaaga, liidashadaada,  weliba waa ay faafinayaan ceebaha iyo cilladaha ay kugu arkaan, iyaga oo awooda in ay ku ammaanaan ama ku dhiirragaliyaan." 2: "Waxa ay kuu sheegayaan in ay ka heleen jirkaaga, codkaaga ama shay ka raqiisan shaqsiddaada, iyaga oo heli kara in ay qeexaan qiimahaaga qofnimo." 3: "Waa ay kaa tagayaan sabab la'aan, waxa ayna kugu soo laabanayaan iyaga oo kuu cabanaya mar aad ka cindi goosatay." 4: "Waxa ay kaa dhexraadinayaan danahooda, kolkii ay kaa waayaanna waa ay ku cidleeyaan weliba adiga oo u baahan." 5: "Waxa ay kugu qasbayaan in aad aqbasho dhaqankooda iyo dabeecadahooda iyaga oo aan marnaba kaa waraysan qanaacada dookhaaga." 6: "Kuma siinayaan tixgalin iyo daryeelkaad mudnayd, se waa ay kaa dalbanayaan waxkasta oo dareenkoodu jeclaado." 7:  "Waa ay ka xun yihiin horumarkaaga, waxa ayna ku fikiraan sida ay hoos kuugu dhigi lahaayeen." 8: "Waa ay kugu xadgu