Shaworka , shirka ,khilaafka
Showrka, shirarka, khilaafka, hanjabaadda, heshiiska, ololaha iyo hadalheynta saxaafadda ee doorashadu waa ay socdeen tan iyo sannadkii hore. Hadda waxaad mooddaa in jawi doorasho oo dhab ah la galay, maaddaama la og yahay nooca, xilliga iyo goobta doorashada iyo waliba cidda maamuleysa. Murashixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka, murashixiinta Madaxtinnimada dalka, Guddiyada doorashada ee kala heerka ah iyo hey’adaha amniga doorashada intuba waxay ku jiraan diyaar garow. Waan hubaa in aan saxaafaddu cidna uga baahneyn xusuusin oo ay dhinaceeda uga jirto diyaar garow isugu jira helidda taariikhda murashaxa, qabashada doodo muujiya fahamka, miisaanka iyo hadafka murashaxa. Sidoo kale habka xulista ergooyinka, xeerarka la adeegsanayo, cidda qabaneysa lacagta is diiwaangelinta iyo sida ay u maamusho, sida ay cod bixintu u dhacdo, amniga goobta iyo hannaanka loo wajaho iyo sida loo qaado dacwadaha wixii tabasho ah ee yimaada. Waxaanse is weydiiyaa, maaddaama ay jiraan eedeymo ah in laaluu