Posts

Showing posts from January 15, 2021

Jacaylkada Subax kasta u dir qoralkan

nolosheyda, sidee ii tahay?  Waxaan rajeynayaa in aad nabad iyo caafimaad iigu soo toostay. Subax wanaagsan. - Waxaad tahay farxadda qalbiyeyga iyo wehelka nolosheyda. Sidoo kale waxaad tahay hadiyad Eebbe ii hibeeyay, si aan ugu hilmaamo wixii dhib ah ee aan waayaheyga nololeed ka soo maray. - Adduunka inta gabar ku nool, adiga ayaa ugu qurux, qiime, karti, asluub ixtiraam iyo naxariis badan.  - In badan waan isku dhici doonnaa waa hubaal, balse ku bishaareyso weligey iyo Allahey kaama fogaan doono. - Waxaan ahay addduunka ninka ugu nasiibka badan, maadaama aan adiga ku heysto macaan. - Aad baan kuugu xiisay runtii, sidoo kale aadna waan kuu jeclahay macaan badan nafteyda. Allaha ii kaa deysto. Codsi: markii aad farriinteyda akhrisato, hal mar indhaha isku qabo ee ii dhoollacaddey😊 Nabad ku waar nolosheydiyay. ~ Saaxiibtaa, saaxiibkaa ama lammaanahaaga, subax kasta farriintan aadka u quruxda badan u reeb, si markii ay indhaha saas ugu kala qaadaan ay u arkaan, aadna ugu farxaan. FG.