Posts

Showing posts from January 29, 2021

Dhaxal ReeBo /Waari-maysid Ee war ha kaa haro🌹

DHAXAL REEBO 1: "Waxkasta waa aad tirtiri karta, se marnaba xasuusaha lama masixi karo, xitaa haddaad ogtahay natiijada qofka iyo nolosha agtaallo." Waxaa ku furan in aad is dawayso una doorto naftaada meel ay ku nagaato maalmaha xanuunka&xasaradaha." 2: "Sow uma xiistid maalmihii wacnaa?, sow kama xummaatid kuwii qaraaraa?, dhammaan waa xaqiiqooyinkaaga mana duugi kartid in aad dedaasho mooyee." Kaliya dulqaad sameey oo u samir ilaa xad. 3: "Inta lagaa arko haka yaraadaan, inta kuu qarsoon." 4: "Ha caayin, ha inkaarin/habaarin, haku digan, hana goyn qofkii aad shalay sida dhabta ah u jeclayd." 5: "Ku kalsoonoow naftaada una rejeey wanaag." 7: "Hanti iyo hammi raqiisa haka dooran qof ku jecel." 8: "Dadku yeysan maamulin dareenkaaga iyo damiirkaaga, hana ka ogolaan xadgudubka nafeed." 9: "La saaxiib waalidka, si aad ula tashato marwalba." 10: "Caawi cidkasta oo aad u awooddo, hana ku xirin dano