Posts

Showing posts from January 20, 2021

Hal arrin haddi aan samayn lahaa ,Xillligan waxaan ahaan lahaa awoowe

Image
Hal arrin haddii aan sameyn lahaa, xilligan waxaan ahaan lahaa awoowe\" 29 Daqiiqadood ka hor XIGASHADA SAWIRKA,  SALMAN KHAN  Qoraalka sawirka,  Salman Khan iyo Saiee Manjrekar oo la jileysay filimka Dabangg 3 Atooraha shirkadda filimada Bollywood-ka ee Hindiya, Salman Khan, wuxuu leeyahay taageerayaal aad u badan oo ku kala sugan dunida qeybaheeda kala duwan, laakiin qof walba wuxuu isweydiiyaa sababta uusan ilaa hadda u guursanin ay da\"diisa kor usii dhaaftay 50 sano. Inkastoo dadka ku taxan Khan ay u badan yihiin dumar iyo carruur haddana isagu waligiis hal mar xitaa xaas ma uusan yeelanin, carruurna ma uusan dhalin.  Hadda ka hor ayuu mar qirtay in haddii uu jacayl u ban dhigan lahaa gabar uu xilligan ahaan lahaa awoowe. Sidaasoo ay tahayna kama shalleysana in dareenkiisa uusan gabadhaas u bandhiganin. Mar ayuu Salman ciyaar kaftan ah la wadaagayay Jilaaga Ajay Devgn iyo kaaskiisa - atariishada ah - ee Kajol, oo kula jiray diyaar garowga filimkiisa Bigg Boss 13.  ADVERT