Posts

Showing posts from February 15, 2021

Shan su’aaloof oo ku saabsan Bannaanbax jimcaha

Shan su’aalood oo ku saabsan Bannaanbaxa Jimcaha. Marka hore Afeef iga hoo. Xushmad iyo qaddarin weyn ayaan u hayaa murashixiinta damacooda sheegay ee raba in ay u tartamaan Madaxtinnimada dalka.  Waa howl adag oo dhafar, daal iyo kharash badan oo inta bandan ku dhammaata guuldarro. Waan yara dareemi karaa culeyskaas oo hore ayuu ii soo maray. Waxaan si gaar ah xushmad ugu hayaa Madaxweynayaashii iyo Raiisal Wasaarihii hore. Waxaan caddeynayaa in aanuu jirin Hoggaamiye siyaasadeed oo aan kala tashaday iyo mid aan isla ognahay qoraalkan. Bannaanbaxa nabadeed ee ay madasha Murashixiintu ku baaqday in uu Jimcaha ka dhaco fagaaraha Dalkjirka Dahsoon ee Muqdisho, ayaa igu dhaliyay su’aalo dhowr ah. Waxaan is tusay halis aan is leeyahay hadda waa laga baaqsan karaa. Mid kastaa waxay ku saabsan tahay, sida aan is iri, halis hadda laga baaqsan karo. Bannaanbaxa waxaa yoolkiisa lagu sheegay in la doonayo in lagu muujiyo in aan shacabka Muqdisho ka raalli ahayn in ay sii joogto Dowladda oo xilli