Sheeko isoo jiidatay

1: "Waxa ay baarayaan iimahaaga, liidashadaada,  weliba waa ay faafinayaan ceebaha iyo cilladaha ay kugu arkaan, iyaga oo awooda in ay ku ammaanaan ama ku dhiirragaliyaan."

2: "Waxa ay kuu sheegayaan in ay ka heleen jirkaaga, codkaaga ama shay ka raqiisan shaqsiddaada, iyaga oo heli kara in ay qeexaan qiimahaaga qofnimo."

3: "Waa ay kaa tagayaan sabab la'aan, waxa ayna kugu soo laabanayaan iyaga oo kuu cabanaya mar aad ka cindi goosatay."

4: "Waxa ay kaa dhexraadinayaan danahooda, kolkii ay kaa waayaanna waa ay ku cidleeyaan weliba adiga oo u baahan."

5: "Waxa ay kugu qasbayaan in aad aqbasho dhaqankooda iyo dabeecadahooda iyaga oo aan marnaba kaa waraysan qanaacada dookhaaga."

6: "Kuma siinayaan tixgalin iyo daryeelkaad mudnayd, se waa ay kaa dalbanayaan waxkasta oo dareenkoodu jeclaado."

7:  "Waa ay ka xun yihiin horumarkaaga, waxa ayna ku fikiraan sida ay hoos kuugu dhigi lahaayeen."

8: "Waa ay kugu xadgudbayaan, mana yaqaanaan raalligalin iyo qirasho."

9: " Waxa ay kuu soo xiisayaan kolka aad ka fogaato, iyaga oo aan ku xurmayn intii aad u xakaaraysay."

10: " Xasuustaada ayaa ay ku degaalamayaan, mana ka helaysid maalmo aad u hilowdo iyo xaqii aad mudnayd."

11: " Sharafkaagii iyo shacniyaddaadii ayaa ay galaafteen, mana jiro sharci kaa celiya."

12: " Fikirkooda ayaa ay kugu hagayaan, mana haysid awood aad kaga harto hagardaamadooda."

13: " Ma lahan naxariis badan, waxaase ku naban qalbigaaga."

14: " Kalsoonidaada ayaa luntay, mana taqaanid si aad u soo ceshato."

15: " Iyaga la'aantood ayaa dhallatay, la'aantoodna waa dhimman, se dhib ayaa ay ku hayaan dheellitirka noloshaada."

Intaa iyo ka badanba waa caqabado jiro marwalba iyo meelkasta, hase ahaatee xalka kaliya oo kula gudboon  ayaa ah; duco, dhoollacaddayn, halgan, cafis, hal-adayg iyo dhagaha oo aad ka furaysato wixii dhib ku gaara.

Eebbe ayaa kuu abaalgudi doonno, samir oo saamax waqtiga iyo waayaha adduunka.

Ha is dhiibbin hana ka qoomayn wixii kugu dhaca, kaliya cashar waayo aragnimo ka qaado.

Noqo tusaale hage u adeegga ummaddiisa.

Eebbe qalbiyada ha u xasiliyo inta la dhaawacay, inta kalana ha u xafido.

Eebbe xaqa ha tuso kuwa ku xadgudba dadka iyo dareenkooda waliba ugu ciyaara si ula kac ah.

Eebbe rejooyinka iyo riyooyinka wanaagsan ha i noo rummeeyo.

Wabillaahi towfiiq.

Kor-barwaaqo xigasho Lam-filaan 

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan