Sheeko kaftan ah

Tippen Sie hier, um mit dem Komponieren zu beginnen ... Sanadkaan 2021 Xildhibaanimo ama Wasiirnimo ayaan u sharaxanahay, shuruudaha hadda yaalana waan buuxiyay ayaan filayaa.

1 - Laptop yar oo boojo ah waan wataa
2- Baasaboor Ajnabi ahna waan wataa oo haddii ay qashqashaad dhacdo aan kusoo carari karo.
3- Dhowr Suud waan soo iibsaday
4- Tolka aan Kursiga ugu fariisan doono ee tolkayga ahna inta uu u kala baxo iyo odayaashoodaba dhib malaha waa la i kala bari karaa.
5- Af-Soomaali yar oo lagu khudbeyn karana waan aqaanaa.
6- Afar xaboo Ingiriis ahna jeebka ayaan ku wataa.
7- Sawiro badan gelidna shaki la'aan waan bilaabi karaa.

Sawirkaan hoosena waa musharraxa idin la hadlayo.

Marka maxaa shuruud kale ah oo ii dhiman odayaal?

#Kaftan  - Habeen wanaagsan  xigasho Ahmed kadiye

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan