Nin ayaa garaacay Xaaskisa

Nin ayaa garaacay Xaaskiisa:

Waxay tiri iyadoo Oyneysa waan bixi doonaa si aan kaaga Dacwoodo.

Wuxuu ugu Jawaabay : yaa ku yiri " waxaan kuu ogolaan doonaa inaad baxdid.

Waxay tiri: ma waxaad u malaysaa inaad ii diidi karto!!!.

Si la yaableh ayuu ugu yiri: waxaad doonto samee.

Waxay aaday Xagga Suuliga ( Musqusha), markii ay gashay buu is yiri " Show waxay ka boodi rabtaa Daaqadda..".

Wuxuuna u cararay banaanka , wuxuuna ku sugay Daaqadda , mana aysan sameyn siduu filayay, Gudaha ayuu ku soo laabtay wuxuuna istaagay Albaabka Agtiisa... 

Wuxuu ogaaday inay ka soo baxday iyadoo weysa qabta.

Waxayna ku tiri " waxaan kaaga dacwoonaa , kii ikaa siiyay , ee maaha Daaqadaada, Albaabkaaga , iyo Telfoonkeyga ".

Wuu ka jeestay, wuuna fariistay , isagoo Aamusan oo fikiraya.

Wey ka sii dhaqaaqday , weyna Dukatay, waxayna ku dheeraatay Sujuuda.

Markii ay ka baxday Salaaddii , ayey Gacmaheeda kor u taagtay , markaas ayuu gacmaheeda qabtay , Kuna yiri " makugu Filno miyaa Ducadaadi Sujuuda?😢😢

Ilaah ayaan ku dhaartay " Xanaaqa ayaa iga tan badiyay ee ma rabin in aan wax ku yeelo!!".

Waxay tiri: Tani waa sababta aanan ugu qancin ducada aan kuugu duceeyay Sujuuda💝.

Waxaana habaarayay Sheydaanka , ee Maahi Doqon , Iska habaareysa Ninkeyga , iyo Kan aan ku il qabowsado..

Illin ayaa buux dhaafisay Indhihiisa , Gacmaha ayuuna ka dhunkaday.

Wuxuuna yiri: waxaan Ballan kaaga qaadaa in mar dambe aanan wax xumaan ah kugu sameynin Maanta kadib....💑💏

Addoontiisa inaad ahaato ayuu addoon kuugu noqon doonaa..

Ragow u Naxariista Dumarka.

Ninku wuxuu "taaj" ku leeyahay madaxa naagta,  taajkana waxaa sidata oo kaliya "Boqoradda"

 Udhig "boqorad" qalbigaaga, waxay kuu saareysa Taaj Madaxeeda".

🤳

#Share

Fadlan Xigo ha Xadin.

✍ Mohamed Ahmed Jimale xigasho Bile Bashir mahbub 

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan