QURUXDA HAASAAWAHA

QURUXDA HAASAAWAHA

Markii aad baarto ama aad isku howsho in aad wax badan ka ogaato xiriirrada burburay ama kuwa guuleystay waxaa kuu soo baxaya sababaha uu midna ku fashilmay midna ku hirgalay. 

Intii aan ku guda jiray daraasaddan waxa aan ku ogaaday, kala duwaanashaha iyo aragtiyaha ay ka qabaan dhalinta xiriirka haasawaha/shukaansiga iyo habka isfahamka heshiiska guurka loo maro.

Qaar badan oo innaga mid ahi waxa ay qabaan in la daahiyo xiriirka si la isku fahmo oo loo qaato waqti fara badan, midkoodna kan kale dhuuxo oo dhadhansado heerka nolosha uu ka joogo.

Dhanka kale inbaa qabta in la dedejiyo oo aan waqti badan lagu bixin wada sheekaysi, howshana ficil loo beddelo oo la isku afgarto haddiiba. 

Kala duwanaashaha iyo fogaanta u dhaxeysa labadan koox, waxa ay sababtay in ay yaraato ama sii adkaato, is fahamka lammaanno badan oo jeclaa in ay ku midoobaan nolosha. 

Mar haddii culeesku yahay waqti wada socodka waxaa quman in la helo aragti u dhaxeysa lammaanaha doonaya in ay is hantaan oo ay ku heshiiyaan yagleellidda guri baraaro iyo barwaaqo loo saadaalshay.

Cabashada iyo cuddurdaarrada isdaba joogga ahi, waa kuwo maalinle ah, oo midkastaahi kugu qancinayo aragtidiisa. Sidaa daraaddeed waxaa ila gudboon in aan fahamno oo aan barranno, waxa maslaxada iyo waaritaanka/jiritaanka xiriirkeenna saldhigga u ah.

Waxaa hubaal ah haddii aan baarno oo aan dib u raacno, dhaqamadii rasuulkeenna scw iyo ambiyadii/dadkii wanwanaagsanaa ee jiray xilliggii Nebiga NNKH waxaa aan ogaan doonnaa xalka iyo faa'iidada qiimaha qoyska.

Kuma talinaayo oo marnaba ilama ahan, in guurku noqdo waxa ugu adag ee la isku mari waayo iyo waxa ugu fudud ee la iska yagleelo, balse waxa habboon kaliya in la fahmo, sharciga iyo hannaanka uu mudan yahay in lagu abaalmariyo nimcaddaas inna loogu deeqay.

Micno badan kuma dhisna in hal ilaa toban sanno lawada socdo, haddii aysan jirin daruuf iyo tan radsmi ah, se waxa micnaha ku dhisan ayaa ah in loo diyaar garoowo lana barto mas'uulliyaadka iyo qiimaha guurku lee yahay. 

1: Imisaa kala tagay iyaga oo wada socday muddo badan walibana isku bartay sal iyo baar xitaa la iska ogaaday wax badan oo mudnaa in la asturo.

2: Imisaa isku fududataay oo ka baxay xudduudda iyaga oo aan is ogayn gadaalna kasoo baraarugay.? 

3: Imiseey ka lummeen sharafkooda, quruxdooda iyo rejadii ay ka lahaayeen kuwa ay nolosha ku aammineen.?

4: Imisaa iswaayay oo uu calafka iyo rabitaanka aan fogayn isa seejiyay.?

5: Imisaa lahaa dano kale iyo maaweelin aan ujeedkuba ahayn guur iyo gogol nabdoon.?

6: Imisaa isku waayay sabab aan horray looga heshiin iyo siro qarsoonaa oo gadaal kasoo ifbaxay.?

7: Imisaa daahiddaada iyo danahaaaga gaarka ah aawgii lagaaga faa'iideystay oo ruux diyaarsani ku seejiyay dookhaagii.?

Kuwani waa waydiimo/su'aallo horyaalla dadku ku andacooda/ku doodda waxaa fiican xiriirka dheer. 
Micnuhu ma aha in aynaan qaddarka yaqiinsanayn, balse shaqo kasta oo la rabo in lagu guuleysto waa in ay jirtaa qorshe iyo xal loo diyaariyay, si looga badbaxo caqabadaha imaan kara.

Dhanka kale in guurka la dedejiyo ama aan laga eegin wax badan waxa ay sababi kartaa in si fudud loo kala tago, si fudud la isaga xiiso dhaco, si fudud la isugu kadsoomo oo la isaga naxo is beddelka aan loo meel dayin. Sidaa aawgeed waxaa qumman in la beeqaamiyo waqtiga iyada oo aan laga eegin kaliya baahida taagan.

Labada marxaladdood waa kuwa dhibkooda iyo xanuunkooda wata, haba ugu darnaato marxalladda daahista oo niyad jabka iyo rejo xumida uu qofku ka qaado ku sababi karto in uu kaga tanaasulo ama kaga quusto dhisidda iyo xiriirka qof kale uu noloshiisa ku aammino. 

Guurku waa mid ka mida tiirarka ugu muhiimsan nolosha, taas oo ay waajib tahay in qofka u bareerrayaahi garanayo qiimihiisa iyo waxa uu ka gooyo nolosha.

Ma ahan magac iyo wax loo sameeyo ku daysi, mana ahan faan iyo tartan ee waa mas'uulliyad u baahan dhowritaan iyo ka dhabayn sax ah.

Qofkasta oo dunida jooga waxa uu ku hamminayaa waa nolol qurux badan, sidaa aawgeed waxaa gudboon in aad soo qurxiso oo aad soo hagaajiso xiriirkaaga, si aad u hesho waxa aad dooneyso.

Muhiim ma aha kumana qasbanid in aad xiriir yeelato adiga oo aan u diyaarsanayn guur iyo ujeedka aad u sameynayso heshiiska jacaylka.

Dareenkaaga iyo qorshahaagu wa in ay is waafaqaan una dhimrisaa qalbiyada dadka kale. Badi waxa aan ku marmasiyoonnaa in ay jiraan culeesyo iyo caqabado, waxaase hubaal ah in aysan jirin mushkilad aan xal lahayn.

Ka hor aqbaalaadda ama dalaabaadka aad u sameyso qof, waxaa ka muhiimsan barashada iyo awoodda fullinta waxa aad doontay.

Jacaylka iyo xaaladaha adag ee uu qofku maro waxaa qayb wayn ka qaata ballamaha iyo niyad dhiska aan meelna jirin, taas oo ugu dambeyn sababtay in uu dhaawacmo qalbiga qofka, xilli uusan xamili karin.

Ujeedka haasawaaha waa in la isku barto oo uu qofkastaahi ka hadlo rabitaankiisa, si aan hadhow loo waayin xuquuqda iyo qanaacada uu qof walba oo innaga mid ahi lee yahay.

FG: Barashada rasmiga ahi waxa ay billaabataa kaddib guurka, maxaa yeelay qofkasta marka uu bannaanka joogo waxaa adag in la ogaado xaqiiqadiisa, dulqaadkiisa, sabarkiisa iyo sida uu kuula qaybsan karo duruufaha nolosha.

Doorashada rasmiga ahi waa hibo uu Alle kuu dooro oo midkeen awood uma lahan in uu xusho qofkiisii, balse dedaalka iyo isku dayga aan sameyno ayey suuragal ku tahay in aan helno qof aan ugu yaraan isku fahamno rabitaannadeenna.

Xulashadaada ku aadan cidda kuu qalanta waa in aad ku dartaa, duco iyo in aad adiga noqotaa qof u tababarran qurxinta hooygiisa.

Inta xusan ee ku cad xaddiiska iyo aayadaha Alle waxaa daba joogo dardaaran iyo guubaabo uu Alle inagu farayo qurxinta iyo hagaajinta guryaheenna.
Guurka in uu bato waa faa'iiddo nafteenna iyo jiritaankeennaba muhiim u ah, waxaase la is faray ayaa ah in la guto waajibaadka iyo xurmada uu lee yahay qoyska islaamka ahi.

Ugu dambayn si aan u gaarno mowqifkeenna, waa in aan hagaajinnaa hab nololleedkeenna.
Si aan u helno rabitaankeenna, waa in aan u hurnaa maskax, maal iyo maareyn joogto ah.

"Aan illaalinno qalbiyada dadka, si loo ilaaliyo keenna oo aan u helno xaqeenna."

Waxa aan Alle innooga baryayaa in uu innagu duwo waddada toosan, waxkasta oo aan damacno ama aan doonnana khayrka innoogu daro. 

Alle ha innaga dhigo kuwii tusaalle wanaagsaan u noqon lahaa dunidan.
Alle ha innoo wanaajiyo guryaheenn, owlaaddeenna, xiriirradeenna iyo shaqooyinkeennaba.
Waxa aan innoo rejaynayaa nolol qurux badan oo ku dhisan jacayl iyo kala dambayn, taas oo lagu iba furay/daah furay xuska Alle.

Alle ha innaga yeelo kuwii uu Nebigooda NNKH ku faani lahaa maalinka aakhiro. Aammiin Aammiin🤲🤲

XASUUSIN IYO KU CELIS WEEYE WARBIXINTAN

Ku mahadsanid akhrintaada, tallooyinkaagana waa innoo muhiim.

Farxiyo Muxudiin Yuusuf Lama-filaan
lamafilaan11@gmail.com
19/12/2018 galab Jimco ah.
Balcad, Shabbeellada dhexe Soomaaliya. xigasho farxo-lamafilaan

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan