Maxaa Siyaasiga Soomaaliyeed deris kala dhigay han yarida, hoorinnimada,iyo kalsooni darrada.


Maxaa Siyaasiga Soomaaliyeed deris kala dhigay, han yarida, hoorinnimada, iyo kalsooni darrada. November 15, 2020

 Saaxiib xog ogaal ah ayaa ii sheegay in Madaxweyne Mustafa Omer, cidi ka codsan in uu kalmad ka dhiibto gulufka colaadeed ee lagu qaaday gobolka Tigray. Sidaa si lamida uusan asagu xataa talo iyo aragti weydiin Abiy Ahmed, si waxa uu saxaafadda la hortagayo isugu ogaadaan.


Haddii xogtaasi rasmi tahay. waxaan is weydiiyey sababta siyaasad xumada iyo kalsooni daradu ay deris ula tahay hogaamiye kasta oo Soomaaliya?


Doorashadii Kenya ee December 2002 ayaa Soomaalida oo u jeeda in Daniel Arap Moi iyo Uhuru Kenyatta (oo siyaasadda ku cusub) oo wada socda iyo Mwai Kibaki, oo madaxweyne ku xigeen u ah Daniel Arap Moi, oo murashax ah ayaa xubnihii siyaasadda iyo baarlamaanka ugu jiray Soomaalida oo saddex iyo toban (13) xubnood ahaa baroosinka ag dhigteen Arap Moi.


Saxaafadda iyo isku soo baxa doorashada ayaa xildhibaanada Soomaalidu, uga nacamleynayaan Uhuru Kenyatta, oo wiil yar ah oo aan siyaasadda waxba ka goyn ah berigaas. Keliya aabihi ayaa dalkaan madaxweyne ka noqday iyo Daniel Arap Moi, ayaa wata ayaa siyaasiyiinta Soomaalidu, ugu xilaneysaa.


Waxaa Alle qadaray in taariikh sodon iyo sagaal (39) sano soo taxneyd Mwai Kibaki, maqas ku jaro, casharna u dhigo Daniel Arap Moi iyo Uhuru Kenyatta oo gaban siyaasadeed ah.


Mustafa Omer, asaga oo arkaya in waxa Tigray lagu hayo ay Soomaalida beri kusoo wajahan yihiin oo Abiy Ahmed, laftiis uu geysan karo ayuu sidii caamadii ugu durbaan tumayaa weerarka iyo colaadda sharci darada ah ee gobolka Tigray, lagu qaaday.


Madaxdii iyo saraakiishii Tigray waxa ay Soomaalida Galbeed, Soomaaliya iyo dadyowga kale ee gobolka degan u geysteen maahan in aan u qiilsameynayo. Hayeeshee, waxaa Mustafa Omer, u yaal waa in waxa dhici kara horta miisaanka saaro. Haddii burbur iyo dagaal sokeeye Ethiopia, ka qarxo sidee Soomaalidu yeelin?.


Haddii tallaabadaani kama dambeys ka dhigto taariikhdii Ethiopia ee hadba ruux xukunka xoog iyo xeelad ku qabsan jiray. Sidee Soomaali, u samato bixi kartaa? Su’aashaas ayaa maanta u taal Soomaalida ee in ay Abiy Ahmed, u sacabo tumaan meesha ma taa! xigasho Ahmed Cirfo

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan