Jacaylkada Subax kasta u dir qoralkan

nolosheyda, sidee ii tahay? 

Waxaan rajeynayaa in aad nabad iyo caafimaad iigu soo toostay. Subax wanaagsan.

- Waxaad tahay farxadda qalbiyeyga iyo wehelka nolosheyda. Sidoo kale waxaad tahay hadiyad Eebbe ii hibeeyay, si aan ugu hilmaamo wixii dhib ah ee aan waayaheyga nololeed ka soo maray.

- Adduunka inta gabar ku nool, adiga ayaa ugu qurux, qiime, karti, asluub ixtiraam iyo naxariis badan. 

- In badan waan isku dhici doonnaa waa hubaal, balse ku bishaareyso weligey iyo Allahey kaama fogaan doono.

- Waxaan ahay addduunka ninka ugu nasiibka badan, maadaama aan adiga ku heysto macaan.

- Aad baan kuugu xiisay runtii, sidoo kale aadna waan kuu jeclahay macaan badan nafteyda.
Allaha ii kaa deysto.

Codsi: markii aad farriinteyda akhrisato, hal mar indhaha isku qabo ee ii dhoollacaddey😊

Nabad ku waar nolosheydiyay.

~ Saaxiibtaa, saaxiibkaa ama lammaanahaaga, subax kasta farriintan aadka u quruxda badan u reeb, si markii ay indhaha saas ugu kala qaadaan ay u arkaan, aadna ugu farxaan.

FG. Fadlan haddii aysan dhab kaa aheyn ha adeegsan. Mahadsanid

#Farriinjaceyl xigasho Abdiwahab

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan