Hal arrin haddi aan samayn lahaa ,Xillligan waxaan ahaan lahaa awoowe


Hal arrin haddii aan sameyn lahaa, xilligan waxaan ahaan lahaa awoowe\"

Salman Khan
Qoraalka sawirka, 

Salman Khan iyo Saiee Manjrekar oo la jileysay filimka Dabangg 3

Atooraha shirkadda filimada Bollywood-ka ee Hindiya, Salman Khan, wuxuu leeyahay taageerayaal aad u badan oo ku kala sugan dunida qeybaheeda kala duwan, laakiin qof walba wuxuu isweydiiyaa sababta uusan ilaa hadda u guursanin ay da\"diisa kor usii dhaaftay 50 sano.

Inkastoo dadka ku taxan Khan ay u badan yihiin dumar iyo carruur haddana isagu waligiis hal mar xitaa xaas ma uusan yeelanin, carruurna ma uusan dhalin. 

Hadda ka hor ayuu mar qirtay in haddii uu jacayl u ban dhigan lahaa gabar uu xilligan ahaan lahaa awoowe. Sidaasoo ay tahayna kama shalleysana in dareenkiisa uusan gabadhaas u bandhiganin.

Mar ayuu Salman ciyaar kaftan ah la wadaagayay Jilaaga Ajay Devgn iyo kaaskiisa - atariishada ah - ee Kajol, oo kula jiray diyaar garowga filimkiisa Bigg Boss 13. 

Dhammaadka Instagram boggan, 1

Qeyb ka mid ahayd ciyaartaas oo Salman lagu xiray qalabka beenta garta ayey Kajol weydiisay in ay jirtay gabar uu hadda ka hor ka helay balse uusan naftiisa u oggolaanin in ay dareenkeeda soo bandhigato.

Khan ayaa isagoo su\"aashaas ka jawaabayay shaaca ka qaaday in run ahaantii ay jirtay gabar uu ka helay hadda ka hor laakiin nasiib darro uusan jacaylkiisa u sheeganin.

Wuxuu intaas ku daray in sababta uu ugu sheegan waayay jacaylkiisa ay ahayd in uu ka cabsi qabay iney ku gacan seyrto ama ay diiddo.

Salman Khan
Qoraalka sawirka, 

Sodonkii sano ee lasoo dhaafay Salman Khan wuxuu ka mid ahaa jilayaasha ugu muhiimsan Bollywood-ka

"Saddex saaxiibbadeey ah ayaa xiriir jacayl lasoo sameeyay gabadhaas marar kala duwan. Markii dambena waxaa ogaaday in iyada lafteedu ay iga heshay," ayuu yidhi.

Isagoo aad u qoslaya ayuu sheegay in markii uu "15 ilaa 20 sano kaddib la kulmay gabadhii iyada ahayd uu ogaaday in ay ayeeyo noqotay". 

"Ilmaha aan ayeeyada u ahay wuu ku taageeraa. Filimadaada ayey jecel yihiin," ayey ku tidhi.

Salman Khan waa atoore shacbiyad weyn ku leh shaleemooyinka
Qoraalka sawirka, 

Salman Khan waa atoore shacbiyad weyn ku leh shaleemooyinka

Salman oo dib u milicsanaya marxaladdaas ayaa yidhi: "Haddii aan haweeneydaas guursan lahaa, saacaddan waxaan ahaan lahaa awoowe."

Si kaftan ah oo qosol ku dheehan yahay ayuu u sheegay in haddii uu guursan lahaa uu sideeda oo kale u duqoobi lahaa.

Ilaa hadda oo uu Salman Khan yahay 55 jir, wali waa atooraha lacagta ugu badan ka sameeya filimada Bollywood-ka, filimadiisuna ay aad u gadmaan.

Wuxuu markii ugu dambeysay kasoo muuqday filimkiisa Dabangg 3, oo soo baxay sanadkii 2019-kii. Haddana wuxuu dhammeystiray duubista filimkiisa cusub ee Radhey: Your Most Wanted Bha, kaasoo la filayo in uu dhawaan soo baxo. 

Sidoo kale wuxuu durba billaabay duubista filimkiisa lagu magacaabo Antime: The Final Truth, halka filimo kalena ay safka ugu sii jiraan.

Dhanka kale wuxuu mashquul ku yahay barnaamijkiisa telefishinka ee Bigg Boss 14.xigasho bbc somali 

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan