Dhaxal ReeBo /Waari-maysid Ee war ha kaa haro🌹

DHAXAL REEBO

1: "Waxkasta waa aad tirtiri karta, se marnaba xasuusaha lama masixi karo, xitaa haddaad ogtahay natiijada qofka iyo nolosha agtaallo."
Waxaa ku furan in aad is dawayso una doorto naftaada meel ay ku nagaato maalmaha xanuunka&xasaradaha."

2: "Sow uma xiistid maalmihii wacnaa?, sow kama xummaatid kuwii qaraaraa?, dhammaan waa xaqiiqooyinkaaga mana duugi kartid in aad dedaasho mooyee." Kaliya dulqaad sameey oo u samir ilaa xad.

3: "Inta lagaa arko haka yaraadaan, inta kuu qarsoon."

4: "Ha caayin, ha inkaarin/habaarin, haku digan, hana goyn qofkii aad shalay sida dhabta ah u jeclayd."

5: "Ku kalsoonoow naftaada una rejeey wanaag."

7: "Hanti iyo hammi raqiisa haka dooran qof ku jecel."

8: "Dadku yeysan maamulin dareenkaaga iyo damiirkaaga, hana ka ogolaan xadgudubka nafeed."

9: "La saaxiib waalidka, si aad ula tashato marwalba."

10: "Caawi cidkasta oo aad u awooddo, hana ku xirin dano iyo daruufo kuu gooniya, si aadan u ciqaabin u
dareenka ku aamminay."

11: "Hasoo bandhiggin siraha laguu sheegtay, hana adeegsan idin la'aan, si aadan u waayin wax ku aammina."

12: "Sooryeey kuwa ku jecel, uguna nasteexeey runta iyo rabitaankaaga saxda ah, si aysan kuugu kadsoomin."

13: "Bixi intaa aad rabta oo jacayl ah in ka badan, adiga oo aan baqaylin."

14: "Maareey mashquulkaaga, si aadan u dhaawicin qalbiga dartaa u daayay howlihiisa, si uu kuu maqlo."

15: "Samayso saaxiib aad u sheegato siraha qaar, si aad ugu nafisto marka aad wajahayso xaalado adag."

16: "Mustaqbalkaaga ha u xayirin waxyaabo iyo aragtiyo aad ka maarmi karto."

17: "Ha ugu sheekaynina hablaha dareemo qiyaali ah, waa ay ka kaydsan og yihiin ragga, si fudud ayaa ayna u saamaysaa maalinka ay runta ogaato ama dareento."

18: "Qor qisooyinkaaga ama la wadaag qof gudbiya si ay cashar ugu noqoto kuwa kaa dambeeya."

19: "Isu haddiyadeeya, is ammaana, isu mahadceliya, is raalligaliya, is aammina, is cafiya, isku kalsoonaada, isku dhego nuglaada, isi saxa, isna canaanta xilligeeda."

20: "Haku xukmin qofna qoraal, muuqaal, sheeko iyo tuhun, se la kulan ama la hadal si aad u xaal ogaato."

21: " U jaro madaxa qaab habboon, u labiso qaab macquula, u hadal hab wanaagsan, una dhaqan si diirran oo dareen ku reeba kuwa kula falgala."

22: "Baro oo baar waxkasta oo nolosha quseeya, gaar ahaan habsamida gogosha iyo gasiinka/cuntada habboon, si aydaan hadhow ugu fashilmin guurka."

23: "Kuwa wada nool ha isu diyaarsadaan si wada jir ah, oo yuusan midkiin kan kale ka sugin wax uu bixin karo."

24: "Samaysta jawiyo gaar ah, sida habeenka jacaylka."

25: " Isu duceeya, isla ducaysta una duceeya inta kale."

Waa aad ku mahadsan tahay akhriskaaga.👈

Hal iyo labo maxaa ku soo jiitay.?

Farxiyo Muxudiin Yuusuf Lama-filaan
lamafilaan11@gmail.com
12:18 Habeennimo
28/01/2021 Khamiis.
Banaadir, Muqdisho-Soomaaliya.
Wa billaahi towfiiq.🤲🤲🤲🤲🤲

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan