Sharma Bay war bixin ku saab san

Arrinta Sharma ayaa waxaan rabaa inaan waxyar ka dhaho.

Waxaana hadalkayga u kala qeybinayaa mid aan u wado isla Fanaan Sharma Boy, mid ku socda dhamaan Wariyaasha Soomaaliyeed iyo dadka Macruufka ka ah baraha bulshada, sidoo kale hadal ku socda wixii dhalinyaro ah ee guud ahaan Hawiye ku abtirsada iyo gaar ahaan kuwa Habargidir ku abtirsada.
Iyo sidoo kale hadal Dowladda Soomaaliya ku socda, hana ka reebin hadal ku socda Daahir Calasoow.

Marka koowaad waxa Sharma Boy ku dhacay waa arrin aad looga xumaado. Sharma Boy waa Xiddig da' yar oo shacbiyad badan leh, waxaa lagu sameeyay weerar bahdilaad ah oo Xirfaddiisa iyo xataa maskaxdiisa saameyn kara. Waxaa la saaray rakaato, waxaana lala damacsan yahay gumeysi fikir.

Koow Sharma Boy waxaan dhihi lahaa:
Walaaloow waxa kugu dhacay si weyn ayaan uga xumahay, tan kale Rag Ciil cadaab ayuu ka doortay. YouTube-ka lagaa dhacay dhan ka samar, xataa haddii laguu soo celiyo, tusi qofka cinwaanka kaa xaday inuusan arrinkaas kugu gumeysan karin, dadka kuugu jirayna waxaan aaminsanahay bil gudaheeda ayay ayagoo intii hore ka badan kuu Subscribe gareyn doonaan.

Wariyaasha & dadka baraha bulshada caanka ka ah waxaan dhihi lahaa: Sxbyaaloow kaca oo hadla, dulmi intaas la eg sabab aad uga aamustaan ma jirto, sabab aad war ahaan oo keliya uga hadashaana ma jirto, garab istaagga wiilka yar ee la dulminayo, rakaato in lagu heystana la rabo, waa haddii aad karti iyo damiir leedihiin.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Hawiye amaba Habargidir ku abtirsada waxaan dhihi lahaa:
Sxbyaaloow ninbaa magaceena lagu dulmiyay, weliba nin da' yar oo Ciyaal Xamar ah. Arrinkaas inaad ka dhiidhisaan oo kasoo horjeesataan ayaa la rabaa, waxaa intaas dheer Sharma Boy dhibaatada la gaarsiiyay illaa iyo hadda ayaa lagu wadaa, weliba asigoo shil galay, waxaa waajib ah marka inta Hawiye, gaar ahaan Habargidir ku abtirsata inay arrinkaasi Xaal ka bixiyaan, oo Sharma diyada u taallo xataa wax kala bixiyaan, waa haddii weli sharaf la leeyahay.

Dowladda Soomaaliyana waxaan dhihi lahaa:
Internetka waxaa la sheegay inay 2 Milyan oo qof oo Soomaaliya joogta wax ka badan ay isticmaalaan, dadkaasina waa dad dhalinyaro u badan, marka fadlan ugu yaraan fura Xafiis dadku ay uga dacwoodaan wixii ummadda dhib ku haaya Internetka korkiisa, si aad arrimaha noocaasoo kale wax uga qabataan.

Daahir Calasoowna waxaan dhihi lahaa:
Sharaf ma lihid, dhaqan ma lihid, diin ma lihid, dadnimo ma lihid, karti ma lihid, darajana ma lihid ee ka dhamow dhalinyarada da'da yar, Internetka dulmiga aad ka wadana jooji, waxaagu waa Cyberbullying cad.

Sharma Boy Guul ayaan u rajeynayaa Insha Allah, cadawgaaga u nooloow.
✍️Ahmed Kadiye

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan