Gabdha dunida ogu samaynta badan

waxaa ka  mid ah 2 Gabdhood oo soomaali ah Elwad elman iyo  ubax  BBC waxay soo saartay liiska 100 haween ee ugu saameynta badan dunida sanadka 2020-ka.

Iyadoo dunida uu xilligan saameeyay cudurka Koroona, dumar fara badan oo ku sugan guud ahaan dunida ayaa qabtay shaqooyin ay ku caawinayaan dadka kale halka qaar ay naftooda ku waayeen kaalinta iyo dadaalka ku aadan caawinta bulshada.

Diiwaanka BBC-da ee 100 haweenka ee sanadkan 2020, waxaa lagu xusay Elwaad Elman oo ah gabar soomaaliyeed oo ka shaqeysa arrimaha bulshada iyo 10 kale oo dumar ah oo kasoo jeedo dalalka carabta.

Ilwaad Elman waa gabar Soomaaliyeed oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada, muddana ka howlgalaysay gudaha magaalada Muqdisho.

Ilwaad oo ku soo barbaartay qurbaha waxna ku baratay ayaa markii dambe go\"aansatay inay dalkeeda hooyo dib ugu laabato si ay gacan u gaysato soo kabshada dalka.

Waa gabar hogaamiye ah oosafka hore uga jirta ka shaqeynta arrimaha nabadda ee Soomaaliya, waxayna kaalin ka qaaday arrimaha dib u heshiisiinta iyo u doodidda xuquuqda dumarka.

Ilwaad waxaa dadeelkii aqoonsatay Qaramada Midoobay oo sanadkii 2018-kii u magacowday inay ka mid noqoto la taliyeyaasha dhanka nabadeynta ee Xoghayaha Guud ee Jamciyaddaasi, Antonio Guterres


Sidoo kale liiska 100 haweenka ah waxaa kamid ah Ubax Cali oo kasoo jeeddo Somaliland, waxay kamid tahay dadka aasaasay urur u doodo xuquuqda haweenka gaar ahaan in gudniinka fircooniga laga mamnuuco Somaliland iyadoo loo marayo wacyigelin iyo waxbarasho ku aadan arrintaas.

Ubax Cali waxay ka qalin jebisay jaamacadda American University ee ku taalla magaalada Beyrut ee dalka Lubnaan, waxay u dooddaa xuquuqda muhaajiriinta ku nool Lubnaan. Xigasho BBC Somali 




Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan