Muqdisho Taloyin

 10kaan Qodob Ayaan U Jeedinayaa Qof walbo Oo Muqdisho ku nool Gaar Ahaan Dhalinyarada.

1- Waxaad yareeysaa tagitaanka Hoteelada iyo Maqaayadaha, gaar ahaan kuwa horay loo weeraray iyo meelaha amnigooda aan sugneen.

2- Habeenki markaad rabto inaad aado goob maqaayad ah ama Hotel. Fadlan aad wixii ka bilowda 20:00 ilaa 9:30

3- Hadii aad naftaada jeceshahayna iskaba dhaaf inaad maqaayad habeenkii aado.

4- Maalmaha Khamiista, Jimcaha, Sabtiga iyo Axada ha u bixin magalada gaar ahaan goobaha halista badan. 

5- Sameeysta adiga iyo asxaabtaada Guri aad ku caweyn kartaan oo waqti wanaagsan ku qaadan kartaan. Gaxwo iyo Shaah sameysta iyo daango. Halkaas Shita

6- Reero Maqaayad hadii aad tahayna, Kaliya hal maqaayad oo aad isleedahay Waa save ugu yaraan aad. (ha aadin marwalba dhoor meel oo kala duwan)

7- Wadooyinka halista badan maritaankeeda aad u yareey. Sidoo kalana wadooyinka xaafadaha xiliyada dambe hamarin

8- Hadii saxibkaa ama saxibadaa inta kusoo wacdo/waco oo ku dhahdo Caawa meel hebel isku raaceynaa. Ka diid oo ku dheh Gurigaaga ama Keeyga aan shidano.

Musasal, Ciyaaro ama Wararka Siyaasada Ka shita Tvga iyo waxaad jeceshihiin.

9- Markasto oo meel aadeeyso qofka kuugu dhow u sheeg. Waa muhiim. 

10- Fariimaheeyga qaado, Waa iga talo walaalnimo. Dadaal inta aad awoodo. Amnigaaga cid aan adiga ahayn ma sugi karto waqtigaan

Mention dheh qof Muqdisho dagan ama saxibkaa/saxibtaa 

Waa talo iyo farriin Walaatinimo oo kaaga timid  Abdi Hamdi

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan