Maxaa uu Guursan waday?

MAXAA U GUURSAN WAYDAY.?

Guur aa! ha igu soo hadal qaadin, xitaa kuwa is guursanaya ayaa aan oran lahaa iska daaya haddii ay iga talo qaadanayaan. Noloshaydii isma lahayn cidbaa kaaga baahi badan, cidbaa kaa jecel, cidbaa kaaga horumari ama cidbaaba u aamminsan adiga camal.
Shan iyo tobansano ayaa laga joogaa dhismaha reerkii ugu horreeyay ee aan yagleelo, waxa uu ahaa qalad iyo qoomamo aan ka harin noloshayda, waxa aan is iraa toloow miyaanan la helin meel xasuusaha lagu mayro.

Ma ogtahay waydiintaadani waxa ay damqisay boog qolofaysatay, se adigu aad si fudud diirka uga qaaday maanta, ax axeey ax iima nixin oo iima hambayn xitaa.
Guur, jacayl, calmasho, hanti, waqti siin iyo nuglaansho markii aan maqlo, waxa aan uga naxaa sida geerida looga naxo. Mar waxa aan iraahdaa yaa kuu soo celiya waqtigii iyo waayihii, marna waxa aan iraahdaa waa wiirsi ku dhaafay e waxba ha u hilloobin hallaaggaas.

Ma jecli in aan ka sheekeeyo nacaybkii aan u qaaday gabar Soomaaliyeed, maxaa iga bi'i lahaaba haddii aan Soomaali uun ku ekaan lahaa, xitaa waxaa nacay magaca dumar haddii aysan ku jiri lahayn hooyadeey macaan waa aan kasii fogaan lahaa halkaa.
Kuwa ila dhashay laftirkooda ayaa aan xisaabta iigu jirin, dhiigga ayaa i qasbayo maahee marnaba ma sheegteen qudhooda.

Sow kuwa huqda iyo cabsida i baday maaha, ee aan marwalba is iraa armeey magac xumo kuu soo jiidaan.
Ma ninka walaashiis, Tiktok is ruxaysa, tu kale Isnaab durdurinaysa, tii ka waynd Inistigaraam kaa qaawan baa ciil ku yar yahay. Waxaa kasii daran kuwa xeebaha iyo xarumaha ganacsiga jirkooda ku jooga. Waa kuma wiilka ku qanacsan ee quluubtiisu caadi tahay in sharafkiisa sidaa loo wasaqaysto welibana uusan wax ka qaban karin. Ma taqaan dadka waxa ay yiraahdaan rag lama dhallan miyaa?, waalid ma dhallin miyaa?, wax ceshto maleh miyaa iyo waydiimo aan karaahsaday maqalkooda. Aaway oo meeday gabadha aan guursan lahaa ee aan oran lahaa ilmahayga hooyo u noqo.?
Iga daa xasuusaha, xiiso uma qabo xanuun dambo e.
Adiga oo war u hayn dabka igu shidan ayaa aad si fudud ii lee dahay maxaa u guursan wayday?, ka war bogo eelkii iyo boogihii ay i baday gabar Soomaaliyeed. 

Horaantii 2005 ayaa aan u bareeray dhismaha nolol jacayl iyo farxad lagu iba furay. Ka hor guurka waxa aan maray ciqaab iyo calool xumo aan iga salguurin. 
Is araggeennii koowaad ayaa aan ka helay inanta dumarka kale iimaha u yeeshay, waxa aan u qaaday jacayl aan u waayay magac bixin dhab ah. Muddo markii aan la tacaalayay naftayda ayaa aan u bareeray oo aan is iri nin wayni waa kii go'aan lehe ka jibo gaar u jeedka dareenkaaga. Waxa aan dhib badan ka maray helidda meel aan ugu hagaago ama aan kala hadlo, silac iyo sumcad dileen kaddib waxa aan soo helay haatufka gurigooda, isbarid iyo isu muujin kaddib waxa aan ku hammiyay in aan soo barto hooygooda. 

Eebbe mahaddii waxaa halkaa ka curtay xiriir qurux iyo hummaag farxadeed huwan. Waxba yaan ku hingan hadalkee waxa ay i hordhigtay shuruudo aan sheegi karin, oo aan lahayn sharci iyo shuruud loo xamilo.
Nin baahani baryo u la'e waxa aan ku bogaadiyay in aan rummayn doonno riyo walba ay lee dahay haddii Eebbe laga helo. Isma waydiin jirin miyaa ay xaq kuugu lee dahay, ee waxa aan is waydiin jiray armuu ku kale kaaga horumaraa adduun waa lacage. Nin tartan iyo talo isku dhiibeen baa aan ahaa, se waxa aan ku taamayay in aan helo hammigayga ah hooy aan ku qanacsanahay iyo gabadha qaaliga u ah naftayda.
Kama walaaceen haddii aan ogaal ku ahay in ay i jeceshahay oo aan ka ahayn jiliinkeeda.

Hanti waa magace u haraaday hadalkeeda, waxa aan ku qasbanaa in  aan laaluusho kolka aan rabo kulankeeda. Keen iyo kaalintaas buuxi mooyee marnaba erey i kaaba la ima oran, waa kibirka dumarka qaarkiiye waxa aan kaabiga u saarnaa in aan kadeedkaas sababsado. Waaba sidaa oo aan guur uga codsanaayay, maxaa codsiya waa aan baryootamayay in mar uun la iga yeelo. Jilbo jabsigaygii ayaa aan eeday, show haweenku badankood ninka u jilicsani ma jiseeyaan.! Muxuu nin geesiyaa dartiin geeri mutay.😭
Maxaan ubaxyo soo guray, maxaa iridka la iga xiray, maxaa aan u  istaagay cadceed, maxaa dhaxan ku sugay oo dharaaro badan la igu dhigay telefoonka.?
Murugadu waa baddaase, waxa iigu darnayd habeen aan isku soo howlay agab iyo haddiyado aan islahaa si uun hankeeda ha ugu dhaqaado, se aan ka shallaayay.
Si kooban uunbaa la ii yiri, dookhaaga ayaa ii keentay ee orodoo wax kula dookha u raadso. Ereyada qaar culeeskooda waxa ay ku dul dheecaamaan wadno awood ka raadiya weeraha qofka uu jecel yahay.
Wuxuu yiri abwaankii; 

Alloow yaan dad kala baran
Dusha midabka arragtida
Waxba yaan kusii durug
Dumar yaan u sheekayn
Dabcigooda yaan xulin
Misna doqonta aammin***

Maahmaah duugan baa tiri
Dudun lama dugaashado
Ama lama dareensado
Dulli lama xambaartee

Wallee aniga Deeqaay
Iga raratay duudkee
Aan kuusii duceeyee
Digashadiyo caaydaba
Mid uun labada igadaa.

Waxba yaan lasii durgin weerihii xanafta lahaaye, waxa aan ugu dambayn helay farriintii iigu farxadda badnayd taas oo ahayd ogolaanshiyaha guurkeenna. 
Habeenkaas ayaa aan is lahaa waa ka mayratay wixii kaasoo maray xarbiska xiriirka muddada dheer jiitamayay. Xujo, jirxumayn iyo danaysi kaddib waxa aan yagleelay guri aan qiyaasayay in aan ku qaboobi doono. Waxaa ii bilaabmay habeenno is xisaabis iyo xasarad miiran ah. Halkee kusoo daahday?, waa maxay telefoonka kusoo wacay?, igu soo wareeji furaha barahaaga bulshada iyo xabsi aanan u xiisi lahayn xasaraddiisa. Waxa aad mooddaa in aan nafiso uun saacadaha aan bannaanka joogo. Hadaladda xanafta leh, buuqa, doodaha bilaa macnaha ah, eedaha iyo gacan qaadka mararka qaar aan la kulmaayay waxa aan ku dareemay liidnimo iyo in aan gubay naftayda.
Waxaa iiga sii xanuun badnaa in gogosha la igu dhibo, iskadaa dareen iyo diirimaad la igu habo e, waxa aan ka hanjabi jiray sida la iila howshoodo. Aniga oo hammuun qaba ayaa aan hiq oran jiray kolka la ila hadlo ee howlo kale la igu furo. Ma gogolbaa lagu wada hadlaa.?

Waxa aan sawiranaayay in si wacan la ii soo dhaweeyo kolkaan iridka kasoo galo habsiinta, dhunkashada, riixriixitaanka iyo ku habidda qabow ama  diirimaad baa aan hanka ku hayay. Waxa ay dhagahayga u hammuun qabeen maqalka ereyada macaan ee beerqaadka ah, sida xabiibi soo dhawoow, macaan adigaa igu filan, waan kuu hilloobay iyo ha iga soo daahin. Waxa aan danayn jiray marka aan samayno isu tag in la i dareensiiyo in la igu qancay oo aan haqabtiray. Iskabadaa mahadceline ma helin mudnaantaydii raganimo. Mararka qaar een u dhawaado waxa ay isaga key filqi jirtay sida nin ajnabi ka ah, waxa aan ahaa mid jecel marwalba in loo soo dhawaado se waayay cid la fahamta. Culeeska shaqada, buuqa suuqa iyo baagamuuddaynta mararka qaar waxa ay sii sababayeen in aan kasii fogaado nolosha. Ma lahayn saaxiibbo iyo cid aan u sheegto sirtayda mana jeclaynba in aan la wadaago qof arimaha ii gaarka ah. Malaha in aan sheegtaaba ii wacnayd oo ugu yaraan waa aan ka nafisi lahaa dabka igu shidan, se waxa aan qiyaasayay haddii aan dadka qaar la tashan lahaa in ay i oran lahaayeen iska fur, iska edbi, reerkeeda u sheeg, la guurso iyo is adkeey saaxiib.

Waa midee ma jeclayn in gurigii aan kusoo tiir iyo tacab beellay si fudud ku dumo, waa midda kalee gabar islaameed oo aan soo guursaday ku xadgudub oo gacan u qaad anigaaba dullinimo u arkaayay xaqna ugumaba lahayn oo ta horaaba la qaatay intii la i eersan lahaa, waa ta xigta e ninka guur labaad hawaystaahi waa nin macaansaday nolosha, waa nin ibta ka waalan oo marba god cusub raadsada, waa mid ka baahi badan ta uu la joogo, waa mid magac ka raadinaya iyo hebelbaa afar xaasle ah ama waa mid xasilan oo isleh warshadaha badso wax soo saarku hakuu siyaado e. Aniguse waxa aanba lee yahay maxaa qoorta kuu galiyay qoyska baas iyo nolosha qariban, mana jecli xitaa in aan mid labaad yeesho.
Waa ta u dambayso e, is adkayn iyo qalafsanaan uma arko in guri ku qaboobayo, sidaa aawgeed waxa aan doorbidaayay in aan duriyaddaydan yari la dakeeyo.
Fiicnaan lahaydaa in ay fahamto nimcadaan la dul fadhiyay, jilaac badniyaa Alle ayaa lagi caasiyaa xaggeen aniga joogaa.?
Waayaha adduunkiyo waqtigaa is dhallan roga, waxa aan mar qura waayay shaqadaydii kala cararkii dagaalladii dalka ka qarxay, ganacsigii yaraa ayaa iga qasaaray, waxa aan noqday mid nolosha kasii dhacay oo waayay garab iyo gaashaan uu ku hirto.

Gabadhii aan islahaa hakula qaybsato wax walba waddo cad ayaa ay iiga dhaqaaqday, wiilkii iyo gabadhii ay ii dhashay xitaa iima ogolaan in aan haleelo codkooda. Waxa aan qaxootigaa u galay in aan iyaga u xammaalo inta aan noolahayna noloshooda kafeeyo Eebbe idankii. Ninkale ayaa ay guursatay oo waxa ay dhisatay nolol kale anigase waxa aan nacay magaca naag. Marwalba oo aan is iraa kabso oo ka bogso wixii hore waxa aan la i horkeennaa xasuusihii xumaa iyo xaaladihii adkaa ee aan ku kaliyoobay.
Waa codsi mar kale ha i waydiin maxaa u guursan wayday. Ugu dambayn waa aan cafiyay walaasheey waxna uma qabo, se marnaba ma ilaawi karo gocashada iyo gardarooyinkii maankayga guracay. 
Waa ay ii habboonaan lahayd in aan iraa ka raystay bukaannadii baraarugay oo ilbaxay, se dhaawacyadii i gaaray ma aqaan si aan uga kabsan doono.😭😭

Markasta waxa aan arkaa hablo cabanaya iyo dumar xiiqsan, se wali ma la is waydiiyay dhanka ragga mushkiladaha haysta iyo waxa ay wiilal badani u guursan la' yihiin?, ma baartay oo ma waraysatay waxa rag badan dhiikarka ku riday?, ma haysaa tirada rag la qiyaannay ee dumar sababtooda u waashay?, mase og tahay inta nolosha uga dhacday sababtiinna.? Jawaabtu waa maya maxaa yeelay marwalba waxaa la arkaa waa dhaawaca banaanka ah, marnaba lama arko dhibta gudaha iyo dharbaaxadda ragga u qarsoon.
Ma jiro xaquuq ka hadshay mudnaanta ragga aan ka hayn diinta islaamka, iyadana ma bartaan dumarkeenna badankood waana taa sababta ay marwaliba ugu dagaalamaan waxa aan xaqooda ahayn. Isku soo wada duub boogaha hala wada daweeyo ama hala iska wada daayo Eebbaa garsoori doona uunkiisa e.

FG: Badi dumarka Soomaaliyeed waxa aan u sheegayaa ha iska daayaan danaysiga, dulaysiga iyo damiirta ay ku ciyaarayaan. Ha tixgaliyaan oo ha daneeyaan dareenka dhabta ah ee loo qaado. Ha aqbalaan oo haka waantoobaan dulmiga ay gaystaan marwalba. Haka daayaan jacaylka jiliinka, xujada, maaweelada iyo waqti lumiska.
Ha baraarugaan oo ha u guursadaan in ay wax kaabaan oo aysan kala dhantaalin dhismaha nolosha.

Haddii ay iyaga wanaagsanadaan waxaa wanaagsanaan doonta dunida oo dhan.

Dumarku waa afar.

Kabane kabto,
Jabane jabiso,
Kabane jabiso iyo
Jabane kabto.

Midda aad noqonayo, adiga ayaa doorashad leh.

Mahadsanidiin intiinna dulqaadka u yeelatay akhriska.

Wa billaahi towfiiq.

Farxiyo Muxudiin Yuusuf Lama-filaan
lamafilaan11@gmail.com
09/12/2020, Arbaco
Abbaara: 09: 40 Barqanimo
Gaalkacyo, Mudug-Soomaaliya.
Xigasho  lama filaan

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan