Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan

Waxaa la soo gudboonaaday xanuun aad u daran oo sababi karay in uu naftiisa ku waayo, markii ay intaas ogaatay bey oysay, weyna awoodi waysay in ay ilmada ceshato.

Qalliin dibadda ah oo loo qaadayey buu ogeysiiyey, iyadiina ma aysan sagootin, xitaa uma aysan qorin “nabadgalyo.” Sidaas ayuu ku baxay walow uu dareemayey niyadjab ku aaddan sagootin la’aanteeda. Nasiibwanaag, qalliinkii waa lagu guuleystay waxa uuna helay wadne loogu deeqay oo noloshiisa lagu badbaadiyey.

Markii uu soo kabsaday buu taleefoonkiisii ku booday, waxa uuna ka baarayey farriin ama wicitaan xaggeeda ah, isaga oo aad uga walwalsanaa in uu warcelinteeda ka habsaamay, laakiinse taasi ma aysan dhicin, waayo ma aysan soo wicin dhambaalna warkiisa daa. Muddo ka dib, markii uu bogsaday buu dalkiisii hooyo ku noqday, haddana gurigii buu ka waayey oo ma aysan joogin.

Isaga oo caro iyo cuqdad is celin la’ buu weydiiyey gabadha hooyadeed, halka ay lammaantiisu qabatay iyo sababta ay u soo xiriirin waysay xilligii uu geerida qarka u saarnaa, waxayna ugu warcelisay: Halkee baad u maleyneysaa in aad ka heshay wadnihii laguugu deeqay, si aad noloshaada u sii wadato?

DULUCDA SHEEKADA: Ibraahim ahaan, sheekadan waxa aan ka dhuuxay oraahdan soo socota, “waxaa jira wax adiga kula weyn oo ah in xaaladdaada la ogaado IWM, waxaa se jira wax intaas kala weyn qofka ku jecel oo ah in aad dunida ku waarto.”

Xigasho: Ibraahim Noolasha
W.T: Ibraahim Nolosha

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹