Dhawrkii maalmood ay ciyaara socdeen

Dhowrkii maalmood ay ciyaaraha Maamul goboleedyada socdeen siyaasad iyo siyaasi warkiisaba waa laga mashquulay.
Hadda sheekadii sidii hore ayay ku laabatay.

Dalkeena wuxuu la' yahay dad hal abuur iyo xirfad leh oo shacabka maaweeliya Sports ahaan, Aflaan iyo Ruwaayado ahaan iwm.

Marhore ayay siyaasiyiintaan qaabdarada badan qiimo beeli lahaayeen, shacabkana isku soo dhawaan lahaa inbadan, haddii barnaamiyo badan oo maaweelo iyo qaar bulsho oo waaqici ah dadka loo sameyn lahaa.

Nasiib xumo hadda siyaasiyiin tuugo u badan oo dalkaanna aanan meel wacan u wadin ayaa booskii Atoorayaasha iyo Ciyaaryahanada iwm noogu jira oo habeen maalin sawiradooda iyo wararkooda aan ku waaberiisanaa, kuna seexanaa.

Dadka hal abuurka iyo xirfadaha sare leh waxaan ugu baaqayaa inay Teknoolajiyada jirto ka faa'iideystaan oo Masraxa ay siyaasiyiintan wareersan kala wareegaan, shacabka isku soo dhawaashihiisana ka shaqeeyaan.

Galab wanaagsan dhamaantiin. xigasho Ahmed kadiye 

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan