Maseerka wanagsan

Tippen Sie hier, um mit dem Komponieren zu beginnen ... Maseerka wanaagsan!

Maseerka wanagsan waa midka marka aad aragto aad ka qaaddo awoodo isla markaana ku jecleysiiyo inaad sidaa noqoto ama aad ku dadaasho helisteeda adigoon dareemeynin wax xumaan ama cuqdada ah.

Maxaa kaa maseeriya?!

Aniga waxaan ka maseeraa
1) hooyo xaafid qur'aan ah
2) gabar meel sare waxbarsha ka gaarta
3) hooyo soo saarta caruur waxtar leh
4) gabar gabar kale Allaah dartiis u caawiso, Islamarkaana aan ku sheegan
5) gabar hooyadeed ama waalidkeed wax wanagsan u qabato sida deynta oo ay ka guddo, guri u dhisto, xajka geyso oo heyso una adeegto marka ay shaqo gabto
6) hooyo ilmaheeda iyo gurigeeda subixii salaadda inta u soo kacdo habenkiina qofka ugu danbeeya seexiso, Isla markana nafteeda aan hilmaamin oo waqti siiso daryelka nafteeda
7) iyo aabaheey Allaah ha u naxaristee oo helay hooyadeey oo aniga tarbiya wanagsan i siisay nafteeda wax badan ii hurtay. Heerkan jogana i gaarsiisay, mar walbana tiirka ii ah. 

Iska ilaali maseerka cudurka wato iyo cuqdada, si aad uga fogaato naftaada ugu dadaal ina maskaxda ka kobciso isla markaana dhisto kalsoonida naftaada.

Dr Idil Maxamed Cabdiraxmaan, Madaxa Sanduuqa Kaalmada Guurka Guryosamo xigasho Gurosamo 

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan