Posts

Showing posts from March, 2021

Calafku waa cajiib

..Calafku waa cajiib. Waxaan aniga arkay marqaatina ka ahaa Nin iyo Gabar muddo telfoon iska shukaansanayay, maalintii ugu horeysay ee kulmeenna ay Gabadhii Ninkii ku dhahday "Aniga ma laabanaayo, gurigeena waxaan uga soo baxay inaad isla maantaba i guursato". Arrintii waalidka wiilka ayay gaartay, waxaana la is dhahay bal hala waco waalidka gabadha si ugu yaraan ay arrinta u hakiyaan, odaygii gabadha dhalay markii la wacay wuxuu saarnaa baabuur oo safar ayuu ku jiray, wuxuu yiri "Aniga gabadheyda waan u duceeyay, waana idin siiyay oo wiilkiina wuu guursan karaa". Isla markiiba wiilkii iyo gabadhii waa la isku daray. 2006 ayay aheyd waqtigaas, maanta 15 sano ayaa laga joogaa qoys ballaaran ayay noqdeen, welina way wada ceeshayaan. ๐Ÿ˜ Waa dhacdo illaa iyo hadda aanan hilmaamin, Jaceyl dhab ahna tusaale u ah. Nasiib xumo Yurubna Guurka sidii Telfoon Samsung camal ah ayuu noqday oo 2 ama 3 sano ka badan maba sii taagnaan karo. Adduunyo!

Dhagaysiga dacwada badda ee u dhaxaysa Somomalia iyo kenya

Dhegeysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta lagu soo geba gebeeyay Xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague. Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan March, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenno ajnabi ah. Kenya waa ay ka maqnaatay dhegeysigan, mana jeedin dacwaddeeda afka ah inkasta oo ay hore u soo gudbisay iyada oo qoraal ah. Badda la isku hayo baaxaddeedu waa ku dhowaad 100 kun oo Kilomitir oo isku wareeg ah. Dacwaddani waxay billaabatay 2014 waxayna soo martay marxalado kala duwan. Waxaa la filayaa in go’aanka Maxkamaddu uu qaato dhowr bilood. Soomaali aan badneyn laakiin uu qaarkood ka yimid waddammo kale sida Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Norway, Switzerland, Biljam iyo Talyaaniga ayaa yimid Hague si ay u dhiirri geliyaan ergada Soomaaliya.

Dacwadda baddaeenna ee taal Maxkamadda Caalamiga ahICJ:

Dacwadda baddeenna ee taal Maxkamadda Caalamiga ah, ICJ; Waan ogahay in ay Soomaalinnimo iyo waddaninno ay ka tahay saaxiibbada igu yiraahdo ama ii soo qora guuleysta. Sidaa oo kale kuwa iigu duceeya Allah ha idin guuleeyo. Waxa aan u joogno The Hague, ee aan dooneyno in aan ku guuleysanno, waa  bad Soomaaliyeed oo adiga iyo aniga naga dhexysa, difaaceeduna waa mas’uuliyad Qaran oo na saaran. Ka manaaficaadsigeeda waxaan la wadaagnaa Soomaali oo dhan ee qofna kama xigno. Markaa waxaan jeclaan lahaa in ay ducadu ahaato “Ilaahow nagu guulee”, sida walaalaha iyo saaxiibbada qaar ay ii soo qoreen.

Xaaskisa iyo qoyskeeda ayuu siiyay jaceel, xushmad

 Xaaskiisa iyo qoyskeeda ayuu siiyay Jaceel, xushmad, qadarin, iyo wanaag badan si uu uga helo nolal farxad leh lkn kama helin waxa uuna ka bixi waayay buuq iyo dagaal joogto ah.  Waxa uu u waday dalxiis iyo tamashleen oo dalka iyo dibada ah, goobo ay aad u jecleed ayuu geeyay sidaas oo kale kuma helin daganaan iyo farxad.  Iyadoo aan ogeyn ayuu suuqa tagay waxa uuna u keenay hadiyo qaali ah oo qurux badan, sida Dahab, dhar cajiib ah, guriga ayuu ka badalay waxa uuna ka dhigay boqorad ku nool qasri qurux badan, wali ma helin farxad iyo qadarin.  Mar kasta waa ku qeylisaa, dood joogto ah, mararka qaar isagoo la joogo saaxibadiis ayey soo wacdaa si xun ayey u canaanataa, waqtiyada qaar waxaa dhacda in shaqada darteed uga soo tago si uu u xaliyo lkn kuma guuleesto.  Gabadha waxey aaminsaneed in aan nin leesku jilcin, haddii lagu qeyliyo uusan ku dhiiran karin dhibkeeda iyo qiyaanadeeda sidaas ayeyna kula dhaqantay.  Ugu dambeyn ninkii waa furay gabadhii uu jeclaa wuuna ka calool goostay,

Somalia ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo goordhaweyd qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyey wada hadallada ay dowladda iyo mucaaradka yeesheen iyaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo qabto shirkii doorashada. Qoraal kasoo baxay ayaa lagu yidhi sidan: "Saxiibada Soomaaliya, waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh. Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac da