Dhagaysiga dacwada badda ee u dhaxaysa Somomalia iyo kenya

Dhegeysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta lagu soo geba gebeeyay Xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague.

Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan March, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenno ajnabi ah.

Kenya waa ay ka maqnaatay dhegeysigan, mana jeedin dacwaddeeda afka ah inkasta oo ay hore u soo gudbisay iyada oo qoraal ah.

Badda la isku hayo baaxaddeedu waa ku dhowaad 100 kun oo Kilomitir oo isku wareeg ah.

Dacwaddani waxay billaabatay 2014 waxayna soo martay marxalado kala duwan.

Waxaa la filayaa in go’aanka Maxkamaddu uu qaato dhowr bilood.

Soomaali aan badneyn laakiin uu qaarkood ka yimid waddammo kale sida Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Norway, Switzerland, Biljam iyo Talyaaniga ayaa yimid Hague si ay u dhiirri geliyaan ergada Soomaaliya.

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan