Calafku waa cajiib

..Calafku waa cajiib.

Waxaan aniga arkay marqaatina ka ahaa Nin iyo Gabar muddo telfoon iska shukaansanayay, maalintii ugu horeysay ee kulmeenna ay Gabadhii Ninkii ku dhahday "Aniga ma laabanaayo, gurigeena waxaan uga soo baxay inaad isla maantaba i guursato".

Arrintii waalidka wiilka ayay gaartay, waxaana la is dhahay bal hala waco waalidka gabadha si ugu yaraan ay arrinta u hakiyaan, odaygii gabadha dhalay markii la wacay wuxuu saarnaa baabuur oo safar ayuu ku jiray, wuxuu yiri "Aniga gabadheyda waan u duceeyay, waana idin siiyay oo wiilkiina wuu guursan karaa".

Isla markiiba wiilkii iyo gabadhii waa la isku daray.
2006 ayay aheyd waqtigaas, maanta 15 sano ayaa laga joogaa qoys ballaaran ayay noqdeen, welina way wada ceeshayaan.

😍 Waa dhacdo illaa iyo hadda aanan hilmaamin, Jaceyl dhab ahna tusaale u ah.

Nasiib xumo Yurubna Guurka sidii Telfoon Samsung camal ah ayuu noqday oo 2 ama 3 sano ka badan maba sii taagnaan karo.

Adduunyo!

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan