Dagaal Sokeeyee dalkeena Alle SWT haka badbaadiyo🤔👍

Dagaal sokeeye dalkeena Alle SWT haka badbaadiyo, lkn haddiiba wax sidaasi ah ay dhacaan, sxboow ama sxbeey shar socoto, dagaal iyo fitno marnaba qeyb haka noqon.

Qof Muslim ah oo Ilaahay yaqaano noqo, oo yaanan Soomaalida qaab qabiileysan laguugu kala saarin.

Noqo qeyb kamid ah Nabad-doonada, oo yaysan cawaanimo iyo qabyaalad liidata ku qaadin.

Dib u xasuuso dhibaatadii ay dagaaladii hore ee sokeeye dadkeena iyo dalkeena u geysteen.

Waan idin baryaa, wixii saacadaan ka bilaawdaba Hawiye-nimo, Daaroodnimo iyo wixii lamid ah dhan halkaasi iska dhiga, oo Gobanimo, Walaaltinimo, Soomaalinimo iyo Islaamnimo ka doorta. ❤

Fariintaanna la wadaag walaalaha kale.

Noolaada. Shar dhanna Alle SWT hanaga haayo. Ramadan Mubarak ✍️Ahmed kadiye 

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan