15 kiilo iskaga dhin 30 maali

15 𝐀𝐒𝐒π₯𝐨 𝐒𝐬𝐀𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐑𝐒𝐧 30 𝐦𝐚𝐚π₯𝐒𝐧

Maxaa kaa mamnuuc ah:
✖Rootiga canjeelada iyo wax walba oo bur ka sameysan.
✖Macmacaanka iyo shukulaatooyinka.
✖Baradhada iyo baastada.
✖Galeeyda, timirta iyo mooska .
✖Sokornta.
✖Cabitaanada aashitada leh sida cocada.

Maxaa laguu ogolyahay:

✔Ukunta
✔Khudaarta caleemaha ah sida ansalaatad, iyo khudaarta miraha ah sida yaanyada, barnarooniga, khajaarka, liinta, iyo tufaaxa.
✔Cabitaanka liinta, qaraha, iyo biyaha caadiga ah.
✔Bataatiga macaan.
✔Digaag, iyo malaay.

◾Jadwalka maalinlaha ah:

▪️Quraacda
waxaa cabeysaa biyo badan, guriga ayaa ku sameyneysaa jimicsi, waxaana ku quraacaneysaa ukun hal xabo iyo 5 xabo yaanyo, basal, iyo kabsar waxyaabahaas isku dardarso kadibna birtaawada ku kari, iyo koob biyo liin ah.
▪️Qadada:
1. waxaa cuni kartaa saxan salad khudaar la soo jarjaray ah(avokado, khajaar, barbarooni, yaanyo, ansalaato, karooto oo qaaddo saliid ah lagu daray).
2. ama waxaa cuni kartaa hal xabo oo bataati ah oo biyo kusoo karisay, iyo salad khudrd ah.
3. ama bariis biyo bes lagu soo kariyay iyo gasac malaay(kaluun) ah.
4. sidoo kale waxaa cuni kartaa hal lug oo dooro(digaag) ah ama kaluun ah iyo bariis.
5. ama waxaa cuneysaa cuntada guriga ka karsan lkn waxaa iska ilaalineysaa macmacaanka iyo baradhada.

▪️Cashada:
1 xabo oo yaanyo ah ama khajaar ama tufaax ah, ama iskaba daa cashada.

✴Jadwal diyaarso oo ku qoro waxyaabaha aa cuneyso iyo waqtiga aa cuneyso.
✴Xiliga qadada bes ayaa raashinka kale cuneysaa, biyahana waa badsaneysaa, subixiina biyo qandac ah iyo liin dhanaan ayaa cabeysaa, video jimicsi ahna waa soo degsaneysaa oo jimicsi ayaa sameyneysaa.

✴Sokorta waa kaa mamnuuc 2 qaaddo oo qaadada yar ah maalinti oo dhan ukala qeybso shaaha iyo cabitaanada, ka badan maya.

✴Intaadan bilaabin dietka isa soo miisaam taariikhda iyo inta Kg aa t

✴Mar walba oo aad badsato khudaarta iyo miraha, oo aa iska yareyso cuntada caadiga ah, waa mar walba oo si dhaqso leh kaaga yaraado miisaanka.
#Marwo
DrMD Salaad

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🀳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan