Taxanaha Caafimaadka👍

Taxanaha Caafimaadka

1. Hadii caloosha ay ku fadhiso ama dhaqaaqeedu yar yahay saxaradaaduna adag tahay 2 koob shaah sanjabiil ah oo aan wax kale lagu darin isticmaal subaxdi cuntada ka dib koob, habeenkiina koob cuntada ka dib, sanjabiilku wuxuu saxarada kasoo saaraayaa mindhicirada isagoo qofka ku qasbi doonaa in uu suuliga raadiyo

2. Hadii ilmaha aad ku aragto xasaasiyad iyo matag marka ay caanaha cabaan ka dib waxaad ka joojisaa caanaha lo'da ah ee aad siinayso waayoo caaanaha lo'da waxay ku qadayaan xasaasiyad, waxaadna ku garan kartaa ilmaha sida baqii ayay caanaha uusoo tufi dooonaan marka aad wax yar siiso ka dib

3. Hadii dadku ay kugu sheegaan da'daada da' ka wayn jooji sokorta iyo macaanka badan aad cunayso sababtoo ah qofka isticmaalka sokorta iyo macaanka waxay qofka uu ekaysinayaan mid da'diisa ka wayn, booska macaanka iyo sokortana waxaad ku badalaysaa isticmaalka qumbaha sababtoo ah qumbaha bihihisa iyo hilibkiisa qoka isticmaala wuxuu qofka ka dhigayaa mid da'diisa ka yar muuqaal ahaan

4. Hadii uur aad raadinayso marka caadada aad ka qabaysato, 10 bari ka dib waa marka uu jaaniska ugu fiican ee uur qaadistu uu jiro ilaa maalina 17aad hana isku dayin in aad dhakhsi ka istaagto goobta jamaaca, waxaad sidoo kale laabaysaa lugaha muddo 25 daqiiqo ah jamaaca ka dib si fursada uur qaadistu badato

5. Hadii caadada aad ku darento xanuun isticmaal xulbada maalintii 2 jeer marka aad cuntada cunto ka dib, xulbadu waxay yaraynaysaa xanuunka xilliga caadada, hadii lalabo kuu dheer tahayna waxay isticmaalaysaa koob shaah sanjabiil ah waad is macasalaamayn doontaan lalabada

6. Hadii cirid dhiig aad leedahay cadayso maalintii laba jeer adigoo ku luqluqanaya biyo cusba leh waayoo cusbadu waxay la dagaalamaysaa jeermiska afka ka jira, cadayga aad ku cadaysanaysana ha ahaado mid jilcan oo ilkaha iyo ciridkaba aan dhaawacayn

7. Hadii aad ka daashay isticmaalka daawada gaaska, marka aad seexatana gaasku kugu kacayo ha u seexan dhanka midig iyo calool calool intaba, gaasku wuu kugu siyaadayaa, u seexo dhabar dhabar iyo dhanka bidix waxad arkaysaa adigo si raaxo leh u seexanaya gaaskuna uusan kugu kicin

Waxan rajaynayaa in aad wax badan ka faaiiday, la wadaag dadka kale si ay uga faaiidaystaan
#SHARE

Qodobka Aadka Kuu Anfacay Hoos Iigi Reeb

Wahinsabriyee

DrSalaad  xigasho Dr  Salaad 

Comments

Popular posts from this blog

Biyo baxa deg dega ah

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan