Posts

Biyo baxa deg dega ah

Biya baxa dag daga ah ee raga???          (Premature ejaculation ) biyaha ninka oo ku yimaado si ka dhaqsi badan sida caadiga ah xiliga galmada in ka yar 60 seconds ama hal daqiiqo ayaa loo yaqaanaa biyo baxa dag daga ah. Sida caadiga ah laga bilaabo galinta koowaad  iyo bixda biyha ninka mudada u dhaxeyn karto  waa 5 ilaa 10 daqiiqo waa sida normal ka ah. 2018 baaritaan loo qaaday si isku dhaf ah  qiyaas ahaaa 3dii nin oo somaali ah mid ayaa qaba biya bax dag daga ah. Is badal maskaxeeed ama mid jismiyeed oo  ku yimaado ninka ayaaa kaalin weyn ka qaadata biya baxa dag daga ah taasi oo ku reebta lamaanihiisa xaalad qanac sanaan la aan ah iyo walwal lasoo darso seygeeda. Raga ayaa badaanaa  ka xishooda ama  kagaabsada iney xaladaan oo kale kala hadlaan dhaqtar ama saaxiibo kale. BIYA BAX DAG DAGA AHAA WAA LABA NUUC #Primary type (nuuca koowaad) Waa xaalad ninku ow la kowsaday bilaawgiisii  koowaaad ee galmada marna aanan is badlin. #Secondary type. (Nuuca labaad) Waa nin bilaawgiisii ko

Yusuf Garaad

Maaddaama ay Muqdisho ku soo bateen dhallinyaro badan oo doonaya in ay kursi u tartamaan, qaar badan oo magaalada hore u joogayna ay hiyi kaceen oo ay xusulduubka qeyb ka yihiin, waxay ila noqotay in aan mar kale saaxiibbadeey xusuusiyo talo aan sannadkii hore kula wadaagay isla boggaan: Marka xil laguu doorto ama laguu magacaabo ka dib ma baran kartid dhaqan cusub.  Markaas ka dib ma billaabi kartid in aad noqoto qof aammin ah, isla weyni ka maran, dhegeysta qofka la hadlaya, qaata talada wanaagsan, naxariis badan, leh dulqaad, dalka kala yaqaan, ka fog laba wajiileyn, aqoon urursaday iyo khibrad badan, aan u yeelin waan yeeli karaa darteed, haddana codkar ah. Natiijada cod la qaaday ama warqad la saxiixay kaama dhigi kari doonaan qof aadan hadda ahayn. Marka xil laguu magacaabo waxa keliya oo aad iska beddeli kartaa waa lebbiskaaga.  Lebbiska nooca cusub waxaad ku dhex jireysaa adiga oo ah isla qofka aad hadda tahay. Suud iyo muraayado cad oo aan kuwa akhriska ahayn waa kuu ekeysiin

Shaworka , shirka ,khilaafka

Image
Showrka, shirarka, khilaafka, hanjabaadda, heshiiska, ololaha iyo hadalheynta saxaafadda ee doorashadu waa ay socdeen tan iyo sannadkii hore.  Hadda waxaad mooddaa in jawi doorasho oo dhab ah la galay, maaddaama la og yahay nooca, xilliga iyo goobta doorashada iyo waliba cidda maamuleysa. Murashixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka, murashixiinta Madaxtinnimada dalka, Guddiyada doorashada ee kala heerka ah iyo hey’adaha amniga doorashada intuba waxay ku jiraan diyaar garow. Waan hubaa in aan saxaafaddu cidna uga baahneyn xusuusin oo ay dhinaceeda uga jirto diyaar garow isugu jira helidda taariikhda murashaxa, qabashada doodo muujiya fahamka, miisaanka iyo hadafka murashaxa. Sidoo kale habka xulista ergooyinka, xeerarka la adeegsanayo, cidda qabaneysa lacagta is diiwaangelinta iyo sida ay u maamusho, sida ay cod bixintu u dhacdo, amniga goobta iyo hannaanka loo wajaho iyo sida loo qaado dacwadaha wixii tabasho ah ee yimaada.  Waxaanse is weydiiyaa, maaddaama ay jiraan eedeymo ah in laaluu

Sharma Bay war bixin ku saab san

Arrinta Sharma ayaa waxaan rabaa inaan waxyar ka dhaho. Waxaana hadalkayga u kala qeybinayaa mid aan u wado isla Fanaan Sharma Boy, mid ku socda dhamaan Wariyaasha Soomaaliyeed iyo dadka Macruufka ka ah baraha bulshada, sidoo kale hadal ku socda wixii dhalinyaro ah ee guud ahaan Hawiye ku abtirsada iyo gaar ahaan kuwa Habargidir ku abtirsada. Iyo sidoo kale hadal Dowladda Soomaaliya ku socda, hana ka reebin hadal ku socda Daahir Calasoow. Marka koowaad waxa Sharma Boy ku dhacay waa arrin aad looga xumaado. Sharma Boy waa Xiddig da' yar oo shacbiyad badan leh, waxaa lagu sameeyay weerar bahdilaad ah oo Xirfaddiisa iyo xataa maskaxdiisa saameyn kara. Waxaa la saaray rakaato, waxaana lala damacsan yahay gumeysi fikir. Koow Sharma Boy waxaan dhihi lahaa: Walaaloow waxa kugu dhacay si weyn ayaan uga xumahay, tan kale Rag Ciil cadaab ayuu ka doortay. YouTube-ka lagaa dhacay dhan ka samar, xataa haddii laguu soo celiyo, tusi qofka cinwaanka kaa xaday inuusan arrinkaas kugu gumeysan karin,

Dagaal Sokeeyee dalkeena Alle SWT haka badbaadiyo🤔👍

Dagaal sokeeye dalkeena Alle SWT haka badbaadiyo, lkn haddiiba wax sidaasi ah ay dhacaan, sxboow ama sxbeey shar socoto, dagaal iyo fitno marnaba qeyb haka noqon. Qof Muslim ah oo Ilaahay yaqaano noqo, oo yaanan Soomaalida qaab qabiileysan laguugu kala saarin. Noqo qeyb kamid ah Nabad-doonada, oo yaysan cawaanimo iyo qabyaalad liidata ku qaadin. Dib u xasuuso dhibaatadii ay dagaaladii hore ee sokeeye dadkeena iyo dalkeena u geysteen. Waan idin baryaa, wixii saacadaan ka bilaawdaba Hawiye-nimo, Daaroodnimo iyo wixii lamid ah dhan halkaasi iska dhiga, oo Gobanimo, Walaaltinimo, Soomaalinimo iyo Islaamnimo ka doorta. ❤ Fariintaanna la wadaag walaalaha kale. Noolaada. Shar dhanna Alle SWT hanaga haayo. Ramadan Mubarak ✍️Ahmed kadiye 

Calafku waa cajiib

..Calafku waa cajiib. Waxaan aniga arkay marqaatina ka ahaa Nin iyo Gabar muddo telfoon iska shukaansanayay, maalintii ugu horeysay ee kulmeenna ay Gabadhii Ninkii ku dhahday "Aniga ma laabanaayo, gurigeena waxaan uga soo baxay inaad isla maantaba i guursato". Arrintii waalidka wiilka ayay gaartay, waxaana la is dhahay bal hala waco waalidka gabadha si ugu yaraan ay arrinta u hakiyaan, odaygii gabadha dhalay markii la wacay wuxuu saarnaa baabuur oo safar ayuu ku jiray, wuxuu yiri "Aniga gabadheyda waan u duceeyay, waana idin siiyay oo wiilkiina wuu guursan karaa". Isla markiiba wiilkii iyo gabadhii waa la isku daray. 2006 ayay aheyd waqtigaas, maanta 15 sano ayaa laga joogaa qoys ballaaran ayay noqdeen, welina way wada ceeshayaan. 😍 Waa dhacdo illaa iyo hadda aanan hilmaamin, Jaceyl dhab ahna tusaale u ah. Nasiib xumo Yurubna Guurka sidii Telfoon Samsung camal ah ayuu noqday oo 2 ama 3 sano ka badan maba sii taagnaan karo. Adduunyo!

Dhagaysiga dacwada badda ee u dhaxaysa Somomalia iyo kenya

Dhegeysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta lagu soo geba gebeeyay Xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague. Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan March, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenno ajnabi ah. Kenya waa ay ka maqnaatay dhegeysigan, mana jeedin dacwaddeeda afka ah inkasta oo ay hore u soo gudbisay iyada oo qoraal ah. Badda la isku hayo baaxaddeedu waa ku dhowaad 100 kun oo Kilomitir oo isku wareeg ah. Dacwaddani waxay billaabatay 2014 waxayna soo martay marxalado kala duwan. Waxaa la filayaa in go’aanka Maxkamaddu uu qaato dhowr bilood. Soomaali aan badneyn laakiin uu qaarkood ka yimid waddammo kale sida Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Norway, Switzerland, Biljam iyo Talyaaniga ayaa yimid Hague si ay u dhiirri geliyaan ergada Soomaaliya.