Posts

Showing posts from December, 2020

Shan waxyaabood oo -aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka❤️🤳😹

Shan Waxyaabood oo aas-aas u ah Xiriirka Jaceylka inuu noqdo mid guuleysta oo Calaf aad isku lahaataan qofka aad isjeceshihiin. 💗 1- Ka Helid: Inaad qofka aad jeceshahay ka heshay si nafsiyan ah. Kama wado quruxdiisa iyo qaabka ee inaad siduu yahay Ku Jeceshahay, asna kugu jecel yahay.  2- Kalsooni: Inaad qofka kalsooni buuxda ku qabto sida aad nolashaada ugu kalsoon tahay oo kale. Isagana kuu muujiyo inuu adna kugu kalsoon yahay.  Kalsoonida wax walba ayey noqon kartaa. Sida Sirta, waxyaabaha gaarka Inaad isku sheegtaan. Iyo wax walbo oo kugu soo kordha inuu kula wadaago adiga marka ugu horeeysa. 3- Qiimo Iyo Xushmad: Qofka ku jecel ee adna aad jeceshahay inuu yahay nambar1 qofka aktaada qiimaha ugu weyn kuleh. Oo aad xitaa adiga aad rabtid inaad tusiso inuu aktaada qimo wey kuleeyhaay oo aad qadarin weyn u heyso. 4- Is-Aaminaad: Labada qof isjecel waa inay ka dhaxeysaa is-aaminaad. Is aaminaada waxey timaadaa marka labada qof isku muujiyaan midba midka kale in dhexdooda aan laga sha

QURUXDA HAASAAWAHA

QURUXDA HAASAAWAHA Markii aad baarto ama aad isku howsho in aad wax badan ka ogaato xiriirrada burburay ama kuwa guuleystay waxaa kuu soo baxaya sababaha uu midna ku fashilmay midna ku hirgalay.  Intii aan ku guda jiray daraasaddan waxa aan ku ogaaday, kala duwaanashaha iyo aragtiyaha ay ka qabaan dhalinta xiriirka haasawaha/shukaansiga iyo habka isfahamka heshiiska guurka loo maro. Qaar badan oo innaga mid ahi waxa ay qabaan in la daahiyo xiriirka si la isku fahmo oo loo qaato waqti fara badan, midkoodna kan kale dhuuxo oo dhadhansado heerka nolosha uu ka joogo. Dhanka kale inbaa qabta in la dedejiyo oo aan waqti badan lagu bixin wada sheekaysi, howshana ficil loo beddelo oo la isku afgarto haddiiba.  Kala duwanaashaha iyo fogaanta u dhaxeysa labadan koox, waxa ay sababtay in ay yaraato ama sii adkaato, is fahamka lammaanno badan oo jeclaa in ay ku midoobaan nolosha.  Mar haddii culeesku yahay waqti wada socodka waxaa quman in la helo aragti u dhaxeysa lammaanaha doonaya in ay is hant

khayraadka laynaga boobay

Khayraadka laynaga boobay dadkaa ka mid ah! Waxaad in badan aragteen dad soomaaliyeed oo Talent/Hibo sare leh oo dalal kale ka faa’iidayaan. Sida ciyaartooy, aktaro, qaariyaal iwm. Si gaara waxaan u fiirsaday Gabdhaha soomaalida ee heerka sare gaara, nin uun ajanebiya ayaa guursada.  Cid gaara halkaan ku sheegi maayo lkn, gabar kasta oo hibadeedu adduunka gaarto nin ajanabiya guursaday. Arintaasi waa dareen-taabad! haddaad u fiirsatidna waa khayraad nala dhaafiyay. Arrintaan cilmi-baaris dhaba luguma ogaan lkn waa ku kuurgalid uun.

Nin Guursaday walashi gabar ay dhashay

Image
Yasiin Axmed ayaa guursaday filsan maxamed oo ay dhashay walaashii Dhacdadan amakaaga ah ayaa ka dhacday ,Bosaaso dadka magaalada ayaa aad u hadal haya arintan. Xigasho Suxufi Rashiid Baarcad

Nin ayaa garaacay Xaaskisa

Nin ayaa garaacay Xaaskiisa: Waxay tiri iyadoo Oyneysa waan bixi doonaa si aan kaaga Dacwoodo. Wuxuu ugu Jawaabay : yaa ku yiri " waxaan kuu ogolaan doonaa inaad baxdid. Waxay tiri: ma waxaad u malaysaa inaad ii diidi karto!!!. Si la yaableh ayuu ugu yiri: waxaad doonto samee. Waxay aaday Xagga Suuliga ( Musqusha), markii ay gashay buu is yiri " Show waxay ka boodi rabtaa Daaqadda..". Wuxuuna u cararay banaanka , wuxuuna ku sugay Daaqadda , mana aysan sameyn siduu filayay, Gudaha ayuu ku soo laabtay wuxuuna istaagay Albaabka Agtiisa...  Wuxuu ogaaday inay ka soo baxday iyadoo weysa qabta. Waxayna ku tiri " waxaan kaaga dacwoonaa , kii ikaa siiyay , ee maaha Daaqadaada, Albaabkaaga , iyo Telfoonkeyga ". Wuu ka jeestay, wuuna fariistay , isagoo Aamusan oo fikiraya. Wey ka sii dhaqaaqday , weyna Dukatay, waxayna ku dheeraatay Sujuuda. Markii ay ka baxday Salaaddii , ayey Gacmaheeda kor u taagtay , markaas ayuu gacmaheeda qabtay , Kuna yiri " makugu Filno miya

Sheeko kaftan ah

Image
Tippen Sie hier, um mit dem Komponieren zu beginnen ... Sanadkaan 2021 Xildhibaanimo ama Wasiirnimo ayaan u sharaxanahay, shuruudaha hadda yaalana waan buuxiyay ayaan filayaa. 1 - Laptop yar oo boojo ah waan wataa 2- Baasaboor Ajnabi ahna waan wataa oo haddii ay qashqashaad dhacdo aan kusoo carari karo. 3- Dhowr Suud waan soo iibsaday 4- Tolka aan Kursiga ugu fariisan doono ee tolkayga ahna inta uu u kala baxo iyo odayaashoodaba dhib malaha waa la i kala bari karaa. 5- Af-Soomaali yar oo lagu khudbeyn karana waan aqaanaa. 6- Afar xaboo Ingiriis ahna jeebka ayaan ku wataa. 7- Sawiro badan gelidna shaki la'aan waan bilaabi karaa. Sawirkaan hoosena waa musharraxa idin la hadlayo. Marka maxaa shuruud kale ah oo ii dhiman odayaal? #Kaftan  - Habeen wanaagsan  xigasho Ahmed kadiye

Sheeko isoo jiidatay

1: "Waxa ay baarayaan iimahaaga, liidashadaada,  weliba waa ay faafinayaan ceebaha iyo cilladaha ay kugu arkaan, iyaga oo awooda in ay ku ammaanaan ama ku dhiirragaliyaan." 2: "Waxa ay kuu sheegayaan in ay ka heleen jirkaaga, codkaaga ama shay ka raqiisan shaqsiddaada, iyaga oo heli kara in ay qeexaan qiimahaaga qofnimo." 3: "Waa ay kaa tagayaan sabab la'aan, waxa ayna kugu soo laabanayaan iyaga oo kuu cabanaya mar aad ka cindi goosatay." 4: "Waxa ay kaa dhexraadinayaan danahooda, kolkii ay kaa waayaanna waa ay ku cidleeyaan weliba adiga oo u baahan." 5: "Waxa ay kugu qasbayaan in aad aqbasho dhaqankooda iyo dabeecadahooda iyaga oo aan marnaba kaa waraysan qanaacada dookhaaga." 6: "Kuma siinayaan tixgalin iyo daryeelkaad mudnayd, se waa ay kaa dalbanayaan waxkasta oo dareenkoodu jeclaado." 7:  "Waa ay ka xun yihiin horumarkaaga, waxa ayna ku fikiraan sida ay hoos kuugu dhigi lahaayeen." 8: "Waa ay kugu xadgu

Xiriir la’aan ha noqon haba xumaadee

Xiriir la’aan ha noqon haba xumaadee! Marka aad ciwaanka aragtid waxaa laga yaabaa inaad iswaydiisid maxaa loo la jeedaa? waxay qormadaanu qeexaysaa, sida qofka dhallinyarada ah looga baahan yahay inuu xiriir yeesho, hadduu doono kii dhabta ahaa yuusan ahaane. Macnuhu waxaa weeye in aanad jarin haasaawaha duruuf kastoo jirta, ama dhacdooyin ku soo maray awgood.  Taasi waxay la micna tahay markasta oo aad xiriir leedahay waxaad ku jirtaa saaxadii/beertii lammaanayaasha. Taasi waxay ugu dambayn ku sahlaysaa inaad lammaane xul ah, ku qalma adna aad u qalantid heshid.

Maxaa uu Guursan waday?

MAXAA U GUURSAN WAYDAY.? Guur aa! ha igu soo hadal qaadin, xitaa kuwa is guursanaya ayaa aan oran lahaa iska daaya haddii ay iga talo qaadanayaan. Noloshaydii isma lahayn cidbaa kaaga baahi badan, cidbaa kaa jecel, cidbaa kaaga horumari ama cidbaaba u aamminsan adiga camal. Shan iyo tobansano ayaa laga joogaa dhismaha reerkii ugu horreeyay ee aan yagleelo, waxa uu ahaa qalad iyo qoomamo aan ka harin noloshayda, waxa aan is iraa toloow miyaanan la helin meel xasuusaha lagu mayro. Ma ogtahay waydiintaadani waxa ay damqisay boog qolofaysatay, se adigu aad si fudud diirka uga qaaday maanta, ax axeey ax iima nixin oo iima hambayn xitaa. Guur, jacayl, calmasho, hanti, waqti siin iyo nuglaansho markii aan maqlo, waxa aan uga naxaa sida geerida looga naxo. Mar waxa aan iraahdaa yaa kuu soo celiya waqtigii iyo waayihii, marna waxa aan iraahdaa waa wiirsi ku dhaafay e waxba ha u hilloobin hallaaggaas. Ma jecli in aan ka sheekeeyo nacaybkii aan u qaaday gabar Soomaaliyeed, maxaa iga bi'i laha

Nin ay Bisad sabateed u dhintay😿

j “Nin baa beri waslad hiliba soo gatay, intuu suuliga aaadey ayuu sariirta agteeda dhigtay, bisad ayaa intey soo gashay wasladii ka cuntay! albaabka ayuu bisaddii u soo xirtay, inuu garaaco, markaasey marba dhinac u boodaa, markey naftii isugu timi oo meel ay ka baxdo weydey, isna ka hari waayey oo baangad sito, ayey hal mar ku soo boodey oo cunaha iskaga duubtay, meeshii ayuuna ku dhintay isagoo afka abur ka sii deynaya”. Cibra badan bey leedahay.

Sheeko aan la yaabay

Gabadh 36 jir ah oo Udhalatay Dalka Ingiriska ayaa Guursatay  Roog uyaalay Guriga Kadib markii Jeclaatay 😃 Waxaan sugnaa waa gabadh Somaali  ah oo Jeclaata Sariirta ay ku seexato. Sidee u aragtaa arrintan? Follw me my  instagram  https://linkfly.to/abdihamdi

Qiso Cajiib ah!

Ninkaan Jamacaddii uu shaqaalaha ka nadaafadda ka ahaa, isla jamacaddii ayuu wax ka bartay oo ka qalin-jabiyay. Isla wadankii ayuu dhildhibaan ka noqday. Nankaan 2003 ayaa waxuu ka soo qaxay dagaalki  dhacay wadanka Eritrea  ka dib waxuu qaxoonti ku noqady wadan Sudan mudo shan sano ah. 2008 ayaa waxaa qaxoonti ahaan u qaatay wadanka New Zealand 🇳🇿 Ninkaan waxaa ladhahaa Ibrahim Omar waxauu u dhashay wadanka Eritrea 🇪🇷  Mararka qaar ayaa waxaa dhici jirtay in qolkii uu nadiifiyay in uu cashir ku qaato. Ibraahin Omar  ayaa waxaa loo doortay bil ka hor xildhibaan, dedaal oo ha ka quusan waxaa aad doonaysid.

Qiso gabadh ku dhacday

Waxay tiri, waxaan ahaa gabadh dhalinyaro ah waxaan Ku soo barbaarey guri diin leh waxaan gaadhey 32 jir, wiil ayaa isoo dooney markaanu heshiiney ayaa lagu yiri waa Qof wayn oo wakhtigii guurka way dhaaftey caruur badanna dhali Maysee Faraha ka qaad. Waxaa noo yimid nin xagga wiilka Ka socda wuxuuna noo sheegey in arintii ay ka noqdeen, waxay igu noqotey arin adag hase ahaatee waan iska samrey. Waxaan aadey Cimro xaramka barakaysan ayaan Ku soo Ducaystey oo ilaahay soo baryey, kolkii aan Ku noqonayey wadankaygii waxaan diyaaradda isku aragney saaxiibtey iyo ninkeedii oo isla socda iyo wiil kale oo saaxiibtey ninkeeda ay saaxiib yihiin. Kolkii aan  nabadnimid wadankii dhawr casho kadib waxaa isoo wacdey saaxiibtey waxay igu tiri wiilkii diyaaradda inala saarnaa ayaa doonaya inuu Ku soo doono, aad baan ugu farxay waanuna heshiiney kadibna waan is guursanney. Markiiba waxaan Qaadey Uur Dhakhtar kana waan  diidey inaan u tako si aanan u ogaan waxa calooshayda Ku jira waxa uu yahay, habeen