Posts

Showing posts from January, 2021

Dhaxal ReeBo /Waari-maysid Ee war ha kaa haro🌹

DHAXAL REEBO 1: "Waxkasta waa aad tirtiri karta, se marnaba xasuusaha lama masixi karo, xitaa haddaad ogtahay natiijada qofka iyo nolosha agtaallo." Waxaa ku furan in aad is dawayso una doorto naftaada meel ay ku nagaato maalmaha xanuunka&xasaradaha." 2: "Sow uma xiistid maalmihii wacnaa?, sow kama xummaatid kuwii qaraaraa?, dhammaan waa xaqiiqooyinkaaga mana duugi kartid in aad dedaasho mooyee." Kaliya dulqaad sameey oo u samir ilaa xad. 3: "Inta lagaa arko haka yaraadaan, inta kuu qarsoon." 4: "Ha caayin, ha inkaarin/habaarin, haku digan, hana goyn qofkii aad shalay sida dhabta ah u jeclayd." 5: "Ku kalsoonoow naftaada una rejeey wanaag." 7: "Hanti iyo hammi raqiisa haka dooran qof ku jecel." 8: "Dadku yeysan maamulin dareenkaaga iyo damiirkaaga, hana ka ogolaan xadgudubka nafeed." 9: "La saaxiib waalidka, si aad ula tashato marwalba." 10: "Caawi cidkasta oo aad u awooddo, hana ku xirin dano

Markii uu jiray labo sano oo qudha waxaa yaqaannay 4 luuqadood🙈😳

Markii uu jiray laba sano oo qudha waxa uu yaqaannay 4 luuqadood - Kuuriyaan, Jabbaan, Ingiriisi iyo Jarmal. Afar jir markii uu noqday waxa uu ka shaqeeyay xisaab "calculus" ah iyada oo si toos ah looga daawanayo telefishannada Jabbaan. Lix jir ayaa uu kaga baxay Jaamacadda Hanyang oo uu ka bartay "Physics". Isaga oo aan weli qaan gaadhin sannadkii 1975-kii ayaa uu qaatay shahaadada ugu sarraysa ee PhD. Waxa la sheegaa in isaga oo aad u yar uu u shaqo tagay Maraykanka. NISA ayaa uu ka qabtay shaqo aad u sarraysa oo lacag badan. Toban sano kaddib markii uu lacag ka dhergay shaqadii waa uu isaga tagay waxa uu sheegay in aanu ku qanacsanayn islamarkaana aanu dareemayn haba yaraatee wax farxad la yidhaahdo. Kuuriyada Koonfureed ayaa uu ku laabatay waxaanu macallin ka noqday dugsi yar oo ku yaalla gobol aad u fog si uu uga dheeraado shaashadaha caalamka. Barafasoor Kim Ung-yong waa qofka aadduunka ugu fahmo badan xilligan la joogo. IQ-ga maskaxdiisu waa 210.  Weligii dii

Hal arrin haddi aan samayn lahaa ,Xillligan waxaan ahaan lahaa awoowe

Image
Hal arrin haddii aan sameyn lahaa, xilligan waxaan ahaan lahaa awoowe\" 29 Daqiiqadood ka hor XIGASHADA SAWIRKA,  SALMAN KHAN  Qoraalka sawirka,  Salman Khan iyo Saiee Manjrekar oo la jileysay filimka Dabangg 3 Atooraha shirkadda filimada Bollywood-ka ee Hindiya, Salman Khan, wuxuu leeyahay taageerayaal aad u badan oo ku kala sugan dunida qeybaheeda kala duwan, laakiin qof walba wuxuu isweydiiyaa sababta uusan ilaa hadda u guursanin ay da\"diisa kor usii dhaaftay 50 sano. Inkastoo dadka ku taxan Khan ay u badan yihiin dumar iyo carruur haddana isagu waligiis hal mar xitaa xaas ma uusan yeelanin, carruurna ma uusan dhalin.  Hadda ka hor ayuu mar qirtay in haddii uu jacayl u ban dhigan lahaa gabar uu xilligan ahaan lahaa awoowe. Sidaasoo ay tahayna kama shalleysana in dareenkiisa uusan gabadhaas u bandhiganin. Mar ayuu Salman ciyaar kaftan ah la wadaagayay Jilaaga Ajay Devgn iyo kaaskiisa - atariishada ah - ee Kajol, oo kula jiray diyaar garowga filimkiisa Bigg Boss 13.  ADVERT

Jacaylkada Subax kasta u dir qoralkan

nolosheyda, sidee ii tahay?  Waxaan rajeynayaa in aad nabad iyo caafimaad iigu soo toostay. Subax wanaagsan. - Waxaad tahay farxadda qalbiyeyga iyo wehelka nolosheyda. Sidoo kale waxaad tahay hadiyad Eebbe ii hibeeyay, si aan ugu hilmaamo wixii dhib ah ee aan waayaheyga nololeed ka soo maray. - Adduunka inta gabar ku nool, adiga ayaa ugu qurux, qiime, karti, asluub ixtiraam iyo naxariis badan.  - In badan waan isku dhici doonnaa waa hubaal, balse ku bishaareyso weligey iyo Allahey kaama fogaan doono. - Waxaan ahay addduunka ninka ugu nasiibka badan, maadaama aan adiga ku heysto macaan. - Aad baan kuugu xiisay runtii, sidoo kale aadna waan kuu jeclahay macaan badan nafteyda. Allaha ii kaa deysto. Codsi: markii aad farriinteyda akhrisato, hal mar indhaha isku qabo ee ii dhoollacaddey😊 Nabad ku waar nolosheydiyay. ~ Saaxiibtaa, saaxiibkaa ama lammaanahaaga, subax kasta farriintan aadka u quruxda badan u reeb, si markii ay indhaha saas ugu kala qaadaan ay u arkaan, aadna ugu farxaan. FG.

Samayta xiir rada Burbura

Xanuunnada ugu daran ee uu wajaho qof wax jecel. Farriin aad tirtayoo laga jawaabin, Codkaagaa oo aan la dhagaysan iyo Naf aad sugaysa oon aan soo socon. Xasuusaha qof kaa tagay, Xiriir u jarka qofaad rabto iyo Xiisaha naf kaa fog. Damqashada boogihii hore, Baraarug la'aanta iyo bahdilka iyo Maaweelada aan macnaha lahayn. https://linktr.ee/abdihamdi Ku darso. xigasho Lamafilaan  👉

waxabarasho iyo khibrad

16 sano oo waxbarasho ah, 15 sano qibrad shukaansi ah guur iyo cilmi baaris iskaa wax u qabso ah, faafinta jacaylka iyo isku naxariisashada lammaanaha. Haddii aan intaa soo maray walina aan idiin sii shaqaynayo ee aan rabo in aanan la dhimman dhibaatooyinka iyo dhaafaha aan ogahay ma dambiile keligii noolenimada jecelbaad igu shaabadaynaysaan.? Aankala xishoonno kuwiinna ku haaya iyadaa iskaabulo ahe maxay noo sheegaysaa. Wixii idin anfaca qaata, wixii kale ka taga se aniga yaan la igu xadgudbin. FG: Ma jecli caayda, haddalada qalafsan iyo bareerka foolxumada ah. Waa aan akhriyaa waxkasta oo la ii soo qoro xitaa haddii aanan ka falcelin. Horta ma ogtihiin rabitaanka iyo helitaanka in ay labo kala yihiin, mase ogtihiin in nasiibku soo daahi karo.? Waligiin wax aydaan ogaan karin baa jira e, soo baara. Macaanka iyo malabka qaata ka maarmi maysaane.😂 Ducada jimcahana yaan la illaawin waa muhiim e. Qofba meel baa u darane Allahayoow iskaabulada u gargaar oo nooga gargaar bustaha cidlada a

wan dhiman karaa ee dhaxal iga reeba😹🌹

..Sababa ay gabdhaha badankood ugu dhibtootaan jacaylka ayaa ah is adkayntooda hore iyo wax bixin la\"aanta dhankooda, waana ta keentay in iyada bes la maalgaliyo hadhowna laga jaro dhammaan waxyaabihii la baray. Si siman u qaybsada xiriirinta, haddiyaha, hadallada, howsha iyo isku qiradda qiimaha aad isku lee dihiin. Haddii kale hadhoow waxaa tiraa naagbaa iga kaxaysatay nin aad adiga dayac day oo kugu daalay. Qish intaa ka badan buugta ka akhrista.😂 Waa dhiman karaaye dhaxal iga reebta. xigasho lamafilaan

Maseerka wanagsan

Tippen Sie hier, um mit dem Komponieren zu beginnen ... Maseerka wanaagsan! Maseerka wanagsan waa midka marka aad aragto aad ka qaaddo awoodo isla markaana ku jecleysiiyo inaad sidaa noqoto ama aad ku dadaasho helisteeda adigoon dareemeynin wax xumaan ama cuqdada ah. Maxaa kaa maseeriya?! Aniga waxaan ka maseeraa 1) hooyo xaafid qur'aan ah 2) gabar meel sare waxbarsha ka gaarta 3) hooyo soo saarta caruur waxtar leh 4) gabar gabar kale Allaah dartiis u caawiso, Islamarkaana aan ku sheegan 5) gabar hooyadeed ama waalidkeed wax wanagsan u qabato sida deynta oo ay ka guddo, guri u dhisto, xajka geyso oo heyso una adeegto marka ay shaqo gabto 6) hooyo ilmaheeda iyo gurigeeda subixii salaadda inta u soo kacdo habenkiina qofka ugu danbeeya seexiso, Isla markana nafteeda aan hilmaamin oo waqti siiso daryelka nafteeda 7) iyo aabaheey Allaah ha u naxaristee oo helay hooyadeey oo aniga tarbiya wanagsan i siisay nafteeda wax badan ii hurtay. Heerkan jogana i gaarsiisay, mar walbana tiirka ii a

Taxanaha Caafimaadka👍

Taxanaha Caafimaadka 1. Hadii caloosha ay ku fadhiso ama dhaqaaqeedu yar yahay saxaradaaduna adag tahay 2 koob shaah sanjabiil ah oo aan wax kale lagu darin isticmaal subaxdi cuntada ka dib koob, habeenkiina koob cuntada ka dib, sanjabiilku wuxuu saxarada kasoo saaraayaa mindhicirada isagoo qofka ku qasbi doonaa in uu suuliga raadiyo 2. Hadii ilmaha aad ku aragto xasaasiyad iyo matag marka ay caanaha cabaan ka dib waxaad ka joojisaa caanaha lo'da ah ee aad siinayso waayoo caaanaha lo'da waxay ku qadayaan xasaasiyad, waxaadna ku garan kartaa ilmaha sida baqii ayay caanaha uusoo tufi dooonaan marka aad wax yar siiso ka dib 3. Hadii dadku ay kugu sheegaan da'daada da' ka wayn jooji sokorta iyo macaanka badan aad cunayso sababtoo ah qofka isticmaalka sokorta iyo macaanka waxay qofka uu ekaysinayaan mid da'diisa ka wayn, booska macaanka iyo sokortana waxaad ku badalaysaa isticmaalka qumbaha sababtoo ah qumbaha bihihisa iyo hilibkiisa qoka isticmaala wuxuu qofka ka dhigay

15 kiilo iskaga dhin 30 maali

15 𝐤𝐢𝐢𝐥𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐧 30 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧 Maxaa kaa mamnuuc ah: ✖Rootiga canjeelada iyo wax walba oo bur ka sameysan. ✖Macmacaanka iyo shukulaatooyinka. ✖Baradhada iyo baastada. ✖Galeeyda, timirta iyo mooska . ✖Sokornta. ✖Cabitaanada aashitada leh sida cocada. Maxaa laguu ogolyahay: ✔Ukunta ✔Khudaarta caleemaha ah sida ansalaatad, iyo khudaarta miraha ah sida yaanyada, barnarooniga, khajaarka, liinta, iyo tufaaxa. ✔Cabitaanka liinta, qaraha, iyo biyaha caadiga ah. ✔Bataatiga macaan. ✔Digaag, iyo malaay. ◾Jadwalka maalinlaha ah: ▪️Quraacda waxaa cabeysaa biyo badan, guriga ayaa ku sameyneysaa jimicsi, waxaana ku quraacaneysaa ukun hal xabo iyo 5 xabo yaanyo, basal, iyo kabsar waxyaabahaas isku dardarso kadibna birtaawada ku kari, iyo koob biyo liin ah. ▪️Qadada: 1. waxaa cuni kartaa saxan salad khudaar la soo jarjaray ah(avokado, khajaar, barbarooni, yaanyo, ansalaato, karooto oo qaaddo saliid ah lagu daray). 2. ama waxaa cuni kartaa hal xabo oo bataati ah oo biyo kusoo karisa

Dhawrkii maalmood ay ciyaara socdeen

Dhowrkii maalmood ay ciyaaraha Maamul goboleedyada socdeen siyaasad iyo siyaasi warkiisaba waa laga mashquulay. Hadda sheekadii sidii hore ayay ku laabatay. Dalkeena wuxuu la' yahay dad hal abuur iyo xirfad leh oo shacabka maaweeliya Sports ahaan, Aflaan iyo Ruwaayado ahaan iwm. Marhore ayay siyaasiyiintaan qaabdarada badan qiimo beeli lahaayeen, shacabkana isku soo dhawaan lahaa inbadan, haddii barnaamiyo badan oo maaweelo iyo qaar bulsho oo waaqici ah dadka loo sameyn lahaa. Nasiib xumo hadda siyaasiyiin tuugo u badan oo dalkaanna aanan meel wacan u wadin ayaa booskii Atoorayaasha iyo Ciyaaryahanada iwm noogu jira oo habeen maalin sawiradooda iyo wararkooda aan ku waaberiisanaa, kuna seexanaa. Dadka hal abuurka iyo xirfadaha sare leh waxaan ugu baaqayaa inay Teknoolajiyada jirto ka faa'iideystaan oo Masraxa ay siyaasiyiintan wareersan kala wareegaan, shacabka isku soo dhawaashihiisana ka shaqeeyaan. Galab wanaagsan dhamaantiin. xigasho Ahmed kadiye 

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan

Waxaa la soo gudboonaaday xanuun aad u daran oo sababi karay in uu naftiisa ku waayo, markii ay intaas ogaatay bey oysay, weyna awoodi waysay in ay ilmada ceshato. Qalliin dibadda ah oo loo qaadayey buu ogeysiiyey, iyadiina ma aysan sagootin, xitaa uma aysan qorin “nabadgalyo.” Sidaas ayuu ku baxay walow uu dareemayey niyadjab ku aaddan sagootin la’aanteeda. Nasiibwanaag, qalliinkii waa lagu guuleystay waxa uuna helay wadne loogu deeqay oo noloshiisa lagu badbaadiyey. Markii uu soo kabsaday buu taleefoonkiisii ku booday, waxa uuna ka baarayey farriin ama wicitaan xaggeeda ah, isaga oo aad uga walwalsanaa in uu warcelinteeda ka habsaamay, laakiinse taasi ma aysan dhicin, waayo ma aysan soo wicin dhambaalna warkiisa daa. Muddo ka dib, markii uu bogsaday buu dalkiisii hooyo ku noqday, haddana gurigii buu ka waayey oo ma aysan joogin. Isaga oo caro iyo cuqdad is celin la’ buu weydiiyey gabadha hooyadeed, halka ay lammaantiisu qabatay iyo sababta ay u soo xiriirin waysay xilligii uu geerida

Maxaa Siyaasiga Soomaaliyeed deris kala dhigay han yarida, hoorinnimada,iyo kalsooni darrada.

Image
Maxaa Siyaasiga Soomaaliyeed deris kala dhigay, han yarida, hoorinnimada, iyo kalsooni darrada.  November 15, 2020  Saaxiib xog ogaal ah ayaa ii sheegay in Madaxweyne Mustafa Omer, cidi ka codsan in uu kalmad ka dhiibto gulufka colaadeed ee lagu qaaday gobolka Tigray. Sidaa si lamida uusan asagu xataa talo iyo aragti weydiin Abiy Ahmed, si waxa uu saxaafadda la hortagayo isugu ogaadaan. Haddii xogtaasi rasmi tahay. waxaan is weydiiyey sababta siyaasad xumada iyo kalsooni daradu ay deris ula tahay hogaamiye kasta oo Soomaaliya? Doorashadii Kenya ee December 2002 ayaa Soomaalida oo u jeeda in Daniel Arap Moi iyo Uhuru Kenyatta (oo siyaasadda ku cusub) oo wada socda iyo Mwai Kibaki, oo madaxweyne ku xigeen u ah Daniel Arap Moi, oo murashax ah ayaa xubnihii siyaasadda iyo baarlamaanka ugu jiray Soomaalida oo saddex iyo toban (13) xubnood ahaa baroosinka ag dhigteen Arap Moi. Saxaafadda iyo isku soo baxa doorashada ayaa xildhibaanada Soomaalidu, uga nacamleynayaan Uhuru Kenyatta, oo wiil ya

Aabaha dhalay ra’iisulwasaaraha dalka UK.Boris Johnson

Aabaha dhalay ra'iisulwasaaraha dalka UK, Boris Johnson, ayaa sheegay inuu codsanayo dhalashada dalka Faransiiska maadaama Britain ka baxday Midowga Yurub. Stanley Johnson ayaa idaacada dalkaasi Faransiiska ee RTL u sheegay inuu waligiiba isku arki jiray inuu yahay nin Faransiis ah maadaama hooyadii ay ku dhalatay dalkaasi Faransiiska. Stanley oo 80 jir ah isla markaana horey u ahaa xubin ka tirsan xisbiga muxaafidka ee baarlamaanka reer Yurub ayaa aftidii sanadkii 2016 taageerayay in Britain ay ka sii mid ahaato midowga reer Yurub.... https://abdihamdiblog.wordpress.com/2021/01/01/142/