Posts

Showing posts from 2021

Biyo baxa deg dega ah

Biya baxa dag daga ah ee raga???          (Premature ejaculation ) biyaha ninka oo ku yimaado si ka dhaqsi badan sida caadiga ah xiliga galmada in ka yar 60 seconds ama hal daqiiqo ayaa loo yaqaanaa biyo baxa dag daga ah. Sida caadiga ah laga bilaabo galinta koowaad  iyo bixda biyha ninka mudada u dhaxeyn karto  waa 5 ilaa 10 daqiiqo waa sida normal ka ah. 2018 baaritaan loo qaaday si isku dhaf ah  qiyaas ahaaa 3dii nin oo somaali ah mid ayaa qaba biya bax dag daga ah. Is badal maskaxeeed ama mid jismiyeed oo  ku yimaado ninka ayaaa kaalin weyn ka qaadata biya baxa dag daga ah taasi oo ku reebta lamaanihiisa xaalad qanac sanaan la aan ah iyo walwal lasoo darso seygeeda. Raga ayaa badaanaa  ka xishooda ama  kagaabsada iney xaladaan oo kale kala hadlaan dhaqtar ama saaxiibo kale. BIYA BAX DAG DAGA AHAA WAA LABA NUUC #Primary type (nuuca koowaad) Waa xaalad ninku ow la kowsaday bilaawgiisii  koowaaad ee galmada marna aanan is badlin. #Secondary type. (Nuuca labaad) Waa nin bilaawgiisii ko

Yusuf Garaad

Maaddaama ay Muqdisho ku soo bateen dhallinyaro badan oo doonaya in ay kursi u tartamaan, qaar badan oo magaalada hore u joogayna ay hiyi kaceen oo ay xusulduubka qeyb ka yihiin, waxay ila noqotay in aan mar kale saaxiibbadeey xusuusiyo talo aan sannadkii hore kula wadaagay isla boggaan: Marka xil laguu doorto ama laguu magacaabo ka dib ma baran kartid dhaqan cusub.  Markaas ka dib ma billaabi kartid in aad noqoto qof aammin ah, isla weyni ka maran, dhegeysta qofka la hadlaya, qaata talada wanaagsan, naxariis badan, leh dulqaad, dalka kala yaqaan, ka fog laba wajiileyn, aqoon urursaday iyo khibrad badan, aan u yeelin waan yeeli karaa darteed, haddana codkar ah. Natiijada cod la qaaday ama warqad la saxiixay kaama dhigi kari doonaan qof aadan hadda ahayn. Marka xil laguu magacaabo waxa keliya oo aad iska beddeli kartaa waa lebbiskaaga.  Lebbiska nooca cusub waxaad ku dhex jireysaa adiga oo ah isla qofka aad hadda tahay. Suud iyo muraayado cad oo aan kuwa akhriska ahayn waa kuu ekeysiin

Shaworka , shirka ,khilaafka

Image
Showrka, shirarka, khilaafka, hanjabaadda, heshiiska, ololaha iyo hadalheynta saxaafadda ee doorashadu waa ay socdeen tan iyo sannadkii hore.  Hadda waxaad mooddaa in jawi doorasho oo dhab ah la galay, maaddaama la og yahay nooca, xilliga iyo goobta doorashada iyo waliba cidda maamuleysa. Murashixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka, murashixiinta Madaxtinnimada dalka, Guddiyada doorashada ee kala heerka ah iyo hey’adaha amniga doorashada intuba waxay ku jiraan diyaar garow. Waan hubaa in aan saxaafaddu cidna uga baahneyn xusuusin oo ay dhinaceeda uga jirto diyaar garow isugu jira helidda taariikhda murashaxa, qabashada doodo muujiya fahamka, miisaanka iyo hadafka murashaxa. Sidoo kale habka xulista ergooyinka, xeerarka la adeegsanayo, cidda qabaneysa lacagta is diiwaangelinta iyo sida ay u maamusho, sida ay cod bixintu u dhacdo, amniga goobta iyo hannaanka loo wajaho iyo sida loo qaado dacwadaha wixii tabasho ah ee yimaada.  Waxaanse is weydiiyaa, maaddaama ay jiraan eedeymo ah in laaluu

Sharma Bay war bixin ku saab san

Arrinta Sharma ayaa waxaan rabaa inaan waxyar ka dhaho. Waxaana hadalkayga u kala qeybinayaa mid aan u wado isla Fanaan Sharma Boy, mid ku socda dhamaan Wariyaasha Soomaaliyeed iyo dadka Macruufka ka ah baraha bulshada, sidoo kale hadal ku socda wixii dhalinyaro ah ee guud ahaan Hawiye ku abtirsada iyo gaar ahaan kuwa Habargidir ku abtirsada. Iyo sidoo kale hadal Dowladda Soomaaliya ku socda, hana ka reebin hadal ku socda Daahir Calasoow. Marka koowaad waxa Sharma Boy ku dhacay waa arrin aad looga xumaado. Sharma Boy waa Xiddig da' yar oo shacbiyad badan leh, waxaa lagu sameeyay weerar bahdilaad ah oo Xirfaddiisa iyo xataa maskaxdiisa saameyn kara. Waxaa la saaray rakaato, waxaana lala damacsan yahay gumeysi fikir. Koow Sharma Boy waxaan dhihi lahaa: Walaaloow waxa kugu dhacay si weyn ayaan uga xumahay, tan kale Rag Ciil cadaab ayuu ka doortay. YouTube-ka lagaa dhacay dhan ka samar, xataa haddii laguu soo celiyo, tusi qofka cinwaanka kaa xaday inuusan arrinkaas kugu gumeysan karin,

Dagaal Sokeeyee dalkeena Alle SWT haka badbaadiyo🤔👍

Dagaal sokeeye dalkeena Alle SWT haka badbaadiyo, lkn haddiiba wax sidaasi ah ay dhacaan, sxboow ama sxbeey shar socoto, dagaal iyo fitno marnaba qeyb haka noqon. Qof Muslim ah oo Ilaahay yaqaano noqo, oo yaanan Soomaalida qaab qabiileysan laguugu kala saarin. Noqo qeyb kamid ah Nabad-doonada, oo yaysan cawaanimo iyo qabyaalad liidata ku qaadin. Dib u xasuuso dhibaatadii ay dagaaladii hore ee sokeeye dadkeena iyo dalkeena u geysteen. Waan idin baryaa, wixii saacadaan ka bilaawdaba Hawiye-nimo, Daaroodnimo iyo wixii lamid ah dhan halkaasi iska dhiga, oo Gobanimo, Walaaltinimo, Soomaalinimo iyo Islaamnimo ka doorta. ❤ Fariintaanna la wadaag walaalaha kale. Noolaada. Shar dhanna Alle SWT hanaga haayo. Ramadan Mubarak ✍️Ahmed kadiye 

Calafku waa cajiib

..Calafku waa cajiib. Waxaan aniga arkay marqaatina ka ahaa Nin iyo Gabar muddo telfoon iska shukaansanayay, maalintii ugu horeysay ee kulmeenna ay Gabadhii Ninkii ku dhahday "Aniga ma laabanaayo, gurigeena waxaan uga soo baxay inaad isla maantaba i guursato". Arrintii waalidka wiilka ayay gaartay, waxaana la is dhahay bal hala waco waalidka gabadha si ugu yaraan ay arrinta u hakiyaan, odaygii gabadha dhalay markii la wacay wuxuu saarnaa baabuur oo safar ayuu ku jiray, wuxuu yiri "Aniga gabadheyda waan u duceeyay, waana idin siiyay oo wiilkiina wuu guursan karaa". Isla markiiba wiilkii iyo gabadhii waa la isku daray. 2006 ayay aheyd waqtigaas, maanta 15 sano ayaa laga joogaa qoys ballaaran ayay noqdeen, welina way wada ceeshayaan. 😍 Waa dhacdo illaa iyo hadda aanan hilmaamin, Jaceyl dhab ahna tusaale u ah. Nasiib xumo Yurubna Guurka sidii Telfoon Samsung camal ah ayuu noqday oo 2 ama 3 sano ka badan maba sii taagnaan karo. Adduunyo!

Dhagaysiga dacwada badda ee u dhaxaysa Somomalia iyo kenya

Dhegeysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta lagu soo geba gebeeyay Xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague. Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan March, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenno ajnabi ah. Kenya waa ay ka maqnaatay dhegeysigan, mana jeedin dacwaddeeda afka ah inkasta oo ay hore u soo gudbisay iyada oo qoraal ah. Badda la isku hayo baaxaddeedu waa ku dhowaad 100 kun oo Kilomitir oo isku wareeg ah. Dacwaddani waxay billaabatay 2014 waxayna soo martay marxalado kala duwan. Waxaa la filayaa in go’aanka Maxkamaddu uu qaato dhowr bilood. Soomaali aan badneyn laakiin uu qaarkood ka yimid waddammo kale sida Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Norway, Switzerland, Biljam iyo Talyaaniga ayaa yimid Hague si ay u dhiirri geliyaan ergada Soomaaliya.

Dacwadda baddaeenna ee taal Maxkamadda Caalamiga ahICJ:

Dacwadda baddeenna ee taal Maxkamadda Caalamiga ah, ICJ; Waan ogahay in ay Soomaalinnimo iyo waddaninno ay ka tahay saaxiibbada igu yiraahdo ama ii soo qora guuleysta. Sidaa oo kale kuwa iigu duceeya Allah ha idin guuleeyo. Waxa aan u joogno The Hague, ee aan dooneyno in aan ku guuleysanno, waa  bad Soomaaliyeed oo adiga iyo aniga naga dhexysa, difaaceeduna waa mas’uuliyad Qaran oo na saaran. Ka manaaficaadsigeeda waxaan la wadaagnaa Soomaali oo dhan ee qofna kama xigno. Markaa waxaan jeclaan lahaa in ay ducadu ahaato “Ilaahow nagu guulee”, sida walaalaha iyo saaxiibbada qaar ay ii soo qoreen.

Xaaskisa iyo qoyskeeda ayuu siiyay jaceel, xushmad

 Xaaskiisa iyo qoyskeeda ayuu siiyay Jaceel, xushmad, qadarin, iyo wanaag badan si uu uga helo nolal farxad leh lkn kama helin waxa uuna ka bixi waayay buuq iyo dagaal joogto ah.  Waxa uu u waday dalxiis iyo tamashleen oo dalka iyo dibada ah, goobo ay aad u jecleed ayuu geeyay sidaas oo kale kuma helin daganaan iyo farxad.  Iyadoo aan ogeyn ayuu suuqa tagay waxa uuna u keenay hadiyo qaali ah oo qurux badan, sida Dahab, dhar cajiib ah, guriga ayuu ka badalay waxa uuna ka dhigay boqorad ku nool qasri qurux badan, wali ma helin farxad iyo qadarin.  Mar kasta waa ku qeylisaa, dood joogto ah, mararka qaar isagoo la joogo saaxibadiis ayey soo wacdaa si xun ayey u canaanataa, waqtiyada qaar waxaa dhacda in shaqada darteed uga soo tago si uu u xaliyo lkn kuma guuleesto.  Gabadha waxey aaminsaneed in aan nin leesku jilcin, haddii lagu qeyliyo uusan ku dhiiran karin dhibkeeda iyo qiyaanadeeda sidaas ayeyna kula dhaqantay.  Ugu dambeyn ninkii waa furay gabadhii uu jeclaa wuuna ka calool goostay,

Somalia 🇸🇴

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo goordhaweyd qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyey wada hadallada ay dowladda iyo mucaaradka yeesheen iyaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo qabto shirkii doorashada. Qoraal kasoo baxay ayaa lagu yidhi sidan: "Saxiibada Soomaaliya, waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh. Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac da

Wiil Dhalinyaro ah oo ka shaqeeya xafiiska Madaxweyne farmaajo

Wiil Dhalinyaro Ah Oo Ka Shaqeeya Xafiiska Madaxweyne Farmaajo Ayaa Sheekadan Dareenka leh iisoodiray Muddo 4 Sano Waxa Aan Ka Shaqeynayaa Xafiiska Ugu Sareeya Dalka Ee Madaxweynaha Wax Yaabaha i Cajabiyey Ee Aan La Yaabanahay Waxaa Kamida Qodobada Soosocda 1/ Madaxweyne Farmaajo Shaqada Wuxuu Soo Galaa 6 Aroornimo Waxa Uuna Xafiiska Ka Baxaa 11 Habeenimo Saqdhexe 2/ Xilliga Shaqada Aan Ku Gado jirno Waxa Uu Nagu Dhiiro Galiyaa inaa Dalkeena iyo Dadkeena Si Daacada Ugu Shaqeeno 3/ Waligiis Madaxweynaha Nama Weydiin Cidaan Nahay Waxaan Kawadaa Qabiilkena, Waligay Kama Maqal Qabiil isagoo Ka Hadlaya Waana Arin iga fijiciyey 4/ Dadka Waa isugu imid Ama Madax Ahow Ama Shacab Wuxuu Kuula Dhaqmayaa Si Naxariis Leh Oo Aan Kibir Ku jirin 5/ Markasta Wuxuu Nooga Sheekeeya muhiimada Ay Leedahay Wadaniyada iyo inaan La Tartano Dalalka Caalamka Ee Horumaray Walaalayaal intaas Iyo in Kabadan Ayaa jira Qeyb 2aad Ayaan idiinku Soo Gudbin Doonaa #Share Garey Hadaad Jeceshahay Hogaamiye Sida Farmaajo O

Shan su’aaloof oo ku saabsan Bannaanbax jimcaha

Shan su’aalood oo ku saabsan Bannaanbaxa Jimcaha. Marka hore Afeef iga hoo. Xushmad iyo qaddarin weyn ayaan u hayaa murashixiinta damacooda sheegay ee raba in ay u tartamaan Madaxtinnimada dalka.  Waa howl adag oo dhafar, daal iyo kharash badan oo inta bandan ku dhammaata guuldarro. Waan yara dareemi karaa culeyskaas oo hore ayuu ii soo maray. Waxaan si gaar ah xushmad ugu hayaa Madaxweynayaashii iyo Raiisal Wasaarihii hore. Waxaan caddeynayaa in aanuu jirin Hoggaamiye siyaasadeed oo aan kala tashaday iyo mid aan isla ognahay qoraalkan. Bannaanbaxa nabadeed ee ay madasha Murashixiintu ku baaqday in uu Jimcaha ka dhaco fagaaraha Dalkjirka Dahsoon ee Muqdisho, ayaa igu dhaliyay su’aalo dhowr ah. Waxaan is tusay halis aan is leeyahay hadda waa laga baaqsan karaa. Mid kastaa waxay ku saabsan tahay, sida aan is iri, halis hadda laga baaqsan karo. Bannaanbaxa waxaa yoolkiisa lagu sheegay in la doonayo in lagu muujiyo in aan shacabka Muqdisho ka raalli ahayn in ay sii joogto Dowladda oo xilli

Faaiidooyinka laga helo biyaha la cabbo subax hore

Faiidooyinka laga helo biyaha la cabbo subaxa hore --------------------------------------------------------------- Cabidda biyaha waqtiga hore ee subixii waxay leeyihiin faiidooyin caafimaad, dhamaan Organs-ka jirka waxey u baahanyihiin biyo si ay u qabsadaan shaqooyinkooda saxda  ●Qaar kamid ah faiidooyinka laga helo cabidda biyaha waqtiga hore ee subixii. 1. waxay nadiifinayaan Mindhiciraha (intestines), kadib jirka waxa uu awood u yeelanayaa in si fudud saxarada iskaga saaro. 2. jirka ayeey kasaarayaan sunta (Toxins). 3. markaad cabtid biyaha subaxa hore waxaad waqti hore dareemeysaa gaajo waxaadna awood u yeelanee in aad quraacatid. 4. biyaha waxey kor dhinayaan dhiiga (Blood), haddii uu dhiiga kugu yaryahay cab biyo badan subaxa hore. 5. waxey ka hortagayaan madax xanuunka (Headache) 6. Waxay fududeynayaan biyaha in jirka si fudud ku burburiyaan cuntada. 7. Waxay yareynayaan culeyska jirka (Weight loss) 8. waxay qurux iyo dhaldhalaal ka dhigayaan maqaar-ka. 9. Waxay kor dhinayaan

Talooyinka ugu wanaagsan ee la siiyo dadka xiriirada leh

Talooyinka ugu wanaagsan ee la siiyo dadka xiriirrada leh waxaa ka mid ah: labada qof ee is jecel in ay xusuusnaadaan dhaqamada iyo dabeecadaha ay wadaagaan; iyo in ay qaddariyaan waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin.  Dhibka ugu badan wuxuu yimaadaa marka ay labada qof isku colaadiyaan waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin. Taasina waxa ay keentaa iskudhac iyo muran joogto ah. Haddaba waa muhiim qodobka labaad ee ah in la qaddariyo kala duwanaanta. Habeen wanaagsan saaxiibbayaal.  ✔️ Instagram.com/abdihmdi ✔️ Twitter.com/abdihmdi #ibraahinnolosha

Xilligan lagu jiro Suxufiyiinta Soomaaliyeed mas‘uulid weyn ayaa ka saran

Xilligan lagu jiro Suxufiyiinta Soomaaliyeed mas’uuliyad weyn ayaa saaran, sababtoo ah Soomaaliya marka horeba waa dal ka soo kabanaya dagaallo dabo dheeraaday welina meelaha qaar ka socda. Waxa la galay xilli Doorasho oo siyaasiga damaca leh ay la fududdahay in uu nafo badan galaafto si uu Kursiga u fuulo ama uu u sii xejisto haddii uu iminka ku fadhiyo, oo uu weliba noqdo qofka ugu horreeya ee tacsiyeeya dadkii uu sababta u ahaa dhimashadooda. Warbaahinta waxa la gudboon in ay taxadar badan ka sameeyaan wararka abuuraya iskudhaca bulshada, ammaandarrada iyo sii hurinta khilaafaadka. Warbaahintu waa in ay dhex u noqdaan mucaaradka iyo muxaafidka, islamarkaana ay soo gudbiyaan wararka xaqiiqada ah iyaga oo dhinacyo badan ka fiirinaya.

Maxaa loo isticmalaa biyo baxa deg degga

Maxaa loo isticmalaa biyo baxa deg degga  Dawada dapoxetine(Priligy) waa dawo ka tirsan raxanta Selective serotonin reuptake inhibitors waxaana lagu daweyaa Biyo baxa deg degga ah (Premature ejaculation) Iyo xanuunada dhimirka  Qabkee ayey u shaqeysaa dawadan ? Dawada dapoxetine waxay xirtaa gudka serotonin transporter markaa waxaa kor u kaca shaqa Serotonin haddii ay serotonin kor u kacdo waxaa dib u dhac ku yimaado biyaha ninka in muddo ahna biyaha wuu isku hayn kara. Maxay cillad leedahay Dawaddan ? Dabcan waa in aad ogataa dawo kasta in ay leedahay cillad,cilladaahas oo kala gaddisan. Dapoxetine waxay leedahay cilladahan soo socoda. ✓Lalabo ✓Wareer ✓Af qalal ✓Madax xanuun ✓Hurdda yadhi  Yaan qadan kareynin dawaddan ? Dawaddan waxaa qaadan kareynin dadka qaba beer xanuunka iyo dadka isticmaala dawooyinka kale ee lagu daweeyo walwalka iyo isku buuqa. inta aadan isticmaalin dawaddan la tasho dhakhtar ha iska qaadan dawaddan bilaa warqad. Su,aal ka timid maqaal uu qoray Dr salad Dr Cad

Biya baxa dag daga ah ee raga?

Biya  baxa dag daga ah ee raga???          (Premature ejaculation ) biyaha ninka oo ku yimaado si ka dhaqsi badan sida caadig ah xiliga galmada in ka yar 60 seconds ama hal daqiiqo ayaa loo yaqaanaa biyo baxa dag daga ah. Sida caadiga ah laga bilaabo galinta koowaad  iyo bixda biyha ninka mudada u dhaxeyn karto  waa 5 ilaa 10 daqiiqo waa sida normal ka ah. 2018 baaritaan loo qaaday si isku dhaf ah  qiyaas ahaaa 3dii nin oo somaali ah mid ayaa qaba biya bax dag daga ah. Is badal maskaxeeed ama mid jismiyeed oo  ku yimaado ninka ayaaa kaalin weyn ka qaadata biya baxa dag daga ah taasi oo ku reebta lamaanihiisa xaalad qanac sanaan la aan ah iyo walwal lasoo darso seygeeda. Raga ayaa badaanaa  ka xishooda ama  kagaabsada iney xaladaan oo kale kala hadlaan dhaqtar ama saaxiibo kale. BIYA BAX DAG DAGA AHAA WAA LABA NUUC #Primary type (nuuca koowaad) Waa xaalad ninku ow la kowsaday bilaawgiisii  koowaaad ee galmada marna aanan is badlin. #Secondary type. (Nuuca labaad) Waa nin bilaawgiisii ko

Dhaxal ReeBo /Waari-maysid Ee war ha kaa haro🌹

DHAXAL REEBO 1: "Waxkasta waa aad tirtiri karta, se marnaba xasuusaha lama masixi karo, xitaa haddaad ogtahay natiijada qofka iyo nolosha agtaallo." Waxaa ku furan in aad is dawayso una doorto naftaada meel ay ku nagaato maalmaha xanuunka&xasaradaha." 2: "Sow uma xiistid maalmihii wacnaa?, sow kama xummaatid kuwii qaraaraa?, dhammaan waa xaqiiqooyinkaaga mana duugi kartid in aad dedaasho mooyee." Kaliya dulqaad sameey oo u samir ilaa xad. 3: "Inta lagaa arko haka yaraadaan, inta kuu qarsoon." 4: "Ha caayin, ha inkaarin/habaarin, haku digan, hana goyn qofkii aad shalay sida dhabta ah u jeclayd." 5: "Ku kalsoonoow naftaada una rejeey wanaag." 7: "Hanti iyo hammi raqiisa haka dooran qof ku jecel." 8: "Dadku yeysan maamulin dareenkaaga iyo damiirkaaga, hana ka ogolaan xadgudubka nafeed." 9: "La saaxiib waalidka, si aad ula tashato marwalba." 10: "Caawi cidkasta oo aad u awooddo, hana ku xirin dano

Markii uu jiray labo sano oo qudha waxaa yaqaannay 4 luuqadood🙈😳

Markii uu jiray laba sano oo qudha waxa uu yaqaannay 4 luuqadood - Kuuriyaan, Jabbaan, Ingiriisi iyo Jarmal. Afar jir markii uu noqday waxa uu ka shaqeeyay xisaab "calculus" ah iyada oo si toos ah looga daawanayo telefishannada Jabbaan. Lix jir ayaa uu kaga baxay Jaamacadda Hanyang oo uu ka bartay "Physics". Isaga oo aan weli qaan gaadhin sannadkii 1975-kii ayaa uu qaatay shahaadada ugu sarraysa ee PhD. Waxa la sheegaa in isaga oo aad u yar uu u shaqo tagay Maraykanka. NISA ayaa uu ka qabtay shaqo aad u sarraysa oo lacag badan. Toban sano kaddib markii uu lacag ka dhergay shaqadii waa uu isaga tagay waxa uu sheegay in aanu ku qanacsanayn islamarkaana aanu dareemayn haba yaraatee wax farxad la yidhaahdo. Kuuriyada Koonfureed ayaa uu ku laabatay waxaanu macallin ka noqday dugsi yar oo ku yaalla gobol aad u fog si uu uga dheeraado shaashadaha caalamka. Barafasoor Kim Ung-yong waa qofka aadduunka ugu fahmo badan xilligan la joogo. IQ-ga maskaxdiisu waa 210.  Weligii dii

Hal arrin haddi aan samayn lahaa ,Xillligan waxaan ahaan lahaa awoowe

Image
Hal arrin haddii aan sameyn lahaa, xilligan waxaan ahaan lahaa awoowe\" 29 Daqiiqadood ka hor XIGASHADA SAWIRKA,  SALMAN KHAN  Qoraalka sawirka,  Salman Khan iyo Saiee Manjrekar oo la jileysay filimka Dabangg 3 Atooraha shirkadda filimada Bollywood-ka ee Hindiya, Salman Khan, wuxuu leeyahay taageerayaal aad u badan oo ku kala sugan dunida qeybaheeda kala duwan, laakiin qof walba wuxuu isweydiiyaa sababta uusan ilaa hadda u guursanin ay da\"diisa kor usii dhaaftay 50 sano. Inkastoo dadka ku taxan Khan ay u badan yihiin dumar iyo carruur haddana isagu waligiis hal mar xitaa xaas ma uusan yeelanin, carruurna ma uusan dhalin.  Hadda ka hor ayuu mar qirtay in haddii uu jacayl u ban dhigan lahaa gabar uu xilligan ahaan lahaa awoowe. Sidaasoo ay tahayna kama shalleysana in dareenkiisa uusan gabadhaas u bandhiganin. Mar ayuu Salman ciyaar kaftan ah la wadaagayay Jilaaga Ajay Devgn iyo kaaskiisa - atariishada ah - ee Kajol, oo kula jiray diyaar garowga filimkiisa Bigg Boss 13.  ADVERT

Jacaylkada Subax kasta u dir qoralkan

nolosheyda, sidee ii tahay?  Waxaan rajeynayaa in aad nabad iyo caafimaad iigu soo toostay. Subax wanaagsan. - Waxaad tahay farxadda qalbiyeyga iyo wehelka nolosheyda. Sidoo kale waxaad tahay hadiyad Eebbe ii hibeeyay, si aan ugu hilmaamo wixii dhib ah ee aan waayaheyga nololeed ka soo maray. - Adduunka inta gabar ku nool, adiga ayaa ugu qurux, qiime, karti, asluub ixtiraam iyo naxariis badan.  - In badan waan isku dhici doonnaa waa hubaal, balse ku bishaareyso weligey iyo Allahey kaama fogaan doono. - Waxaan ahay addduunka ninka ugu nasiibka badan, maadaama aan adiga ku heysto macaan. - Aad baan kuugu xiisay runtii, sidoo kale aadna waan kuu jeclahay macaan badan nafteyda. Allaha ii kaa deysto. Codsi: markii aad farriinteyda akhrisato, hal mar indhaha isku qabo ee ii dhoollacaddey😊 Nabad ku waar nolosheydiyay. ~ Saaxiibtaa, saaxiibkaa ama lammaanahaaga, subax kasta farriintan aadka u quruxda badan u reeb, si markii ay indhaha saas ugu kala qaadaan ay u arkaan, aadna ugu farxaan. FG.

Samayta xiir rada Burbura

Xanuunnada ugu daran ee uu wajaho qof wax jecel. Farriin aad tirtayoo laga jawaabin, Codkaagaa oo aan la dhagaysan iyo Naf aad sugaysa oon aan soo socon. Xasuusaha qof kaa tagay, Xiriir u jarka qofaad rabto iyo Xiisaha naf kaa fog. Damqashada boogihii hore, Baraarug la'aanta iyo bahdilka iyo Maaweelada aan macnaha lahayn. https://linktr.ee/abdihamdi Ku darso. xigasho Lamafilaan  👉

waxabarasho iyo khibrad

16 sano oo waxbarasho ah, 15 sano qibrad shukaansi ah guur iyo cilmi baaris iskaa wax u qabso ah, faafinta jacaylka iyo isku naxariisashada lammaanaha. Haddii aan intaa soo maray walina aan idiin sii shaqaynayo ee aan rabo in aanan la dhimman dhibaatooyinka iyo dhaafaha aan ogahay ma dambiile keligii noolenimada jecelbaad igu shaabadaynaysaan.? Aankala xishoonno kuwiinna ku haaya iyadaa iskaabulo ahe maxay noo sheegaysaa. Wixii idin anfaca qaata, wixii kale ka taga se aniga yaan la igu xadgudbin. FG: Ma jecli caayda, haddalada qalafsan iyo bareerka foolxumada ah. Waa aan akhriyaa waxkasta oo la ii soo qoro xitaa haddii aanan ka falcelin. Horta ma ogtihiin rabitaanka iyo helitaanka in ay labo kala yihiin, mase ogtihiin in nasiibku soo daahi karo.? Waligiin wax aydaan ogaan karin baa jira e, soo baara. Macaanka iyo malabka qaata ka maarmi maysaane.😂 Ducada jimcahana yaan la illaawin waa muhiim e. Qofba meel baa u darane Allahayoow iskaabulada u gargaar oo nooga gargaar bustaha cidlada a

wan dhiman karaa ee dhaxal iga reeba😹🌹

..Sababa ay gabdhaha badankood ugu dhibtootaan jacaylka ayaa ah is adkayntooda hore iyo wax bixin la\"aanta dhankooda, waana ta keentay in iyada bes la maalgaliyo hadhowna laga jaro dhammaan waxyaabihii la baray. Si siman u qaybsada xiriirinta, haddiyaha, hadallada, howsha iyo isku qiradda qiimaha aad isku lee dihiin. Haddii kale hadhoow waxaa tiraa naagbaa iga kaxaysatay nin aad adiga dayac day oo kugu daalay. Qish intaa ka badan buugta ka akhrista.😂 Waa dhiman karaaye dhaxal iga reebta. xigasho lamafilaan

Maseerka wanagsan

Tippen Sie hier, um mit dem Komponieren zu beginnen ... Maseerka wanaagsan! Maseerka wanagsan waa midka marka aad aragto aad ka qaaddo awoodo isla markaana ku jecleysiiyo inaad sidaa noqoto ama aad ku dadaasho helisteeda adigoon dareemeynin wax xumaan ama cuqdada ah. Maxaa kaa maseeriya?! Aniga waxaan ka maseeraa 1) hooyo xaafid qur'aan ah 2) gabar meel sare waxbarsha ka gaarta 3) hooyo soo saarta caruur waxtar leh 4) gabar gabar kale Allaah dartiis u caawiso, Islamarkaana aan ku sheegan 5) gabar hooyadeed ama waalidkeed wax wanagsan u qabato sida deynta oo ay ka guddo, guri u dhisto, xajka geyso oo heyso una adeegto marka ay shaqo gabto 6) hooyo ilmaheeda iyo gurigeeda subixii salaadda inta u soo kacdo habenkiina qofka ugu danbeeya seexiso, Isla markana nafteeda aan hilmaamin oo waqti siiso daryelka nafteeda 7) iyo aabaheey Allaah ha u naxaristee oo helay hooyadeey oo aniga tarbiya wanagsan i siisay nafteeda wax badan ii hurtay. Heerkan jogana i gaarsiisay, mar walbana tiirka ii a

Taxanaha Caafimaadka👍

Taxanaha Caafimaadka 1. Hadii caloosha ay ku fadhiso ama dhaqaaqeedu yar yahay saxaradaaduna adag tahay 2 koob shaah sanjabiil ah oo aan wax kale lagu darin isticmaal subaxdi cuntada ka dib koob, habeenkiina koob cuntada ka dib, sanjabiilku wuxuu saxarada kasoo saaraayaa mindhicirada isagoo qofka ku qasbi doonaa in uu suuliga raadiyo 2. Hadii ilmaha aad ku aragto xasaasiyad iyo matag marka ay caanaha cabaan ka dib waxaad ka joojisaa caanaha lo'da ah ee aad siinayso waayoo caaanaha lo'da waxay ku qadayaan xasaasiyad, waxaadna ku garan kartaa ilmaha sida baqii ayay caanaha uusoo tufi dooonaan marka aad wax yar siiso ka dib 3. Hadii dadku ay kugu sheegaan da'daada da' ka wayn jooji sokorta iyo macaanka badan aad cunayso sababtoo ah qofka isticmaalka sokorta iyo macaanka waxay qofka uu ekaysinayaan mid da'diisa ka wayn, booska macaanka iyo sokortana waxaad ku badalaysaa isticmaalka qumbaha sababtoo ah qumbaha bihihisa iyo hilibkiisa qoka isticmaala wuxuu qofka ka dhigay

15 kiilo iskaga dhin 30 maali

15 𝐤𝐢𝐢𝐥𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐧 30 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧 Maxaa kaa mamnuuc ah: ✖Rootiga canjeelada iyo wax walba oo bur ka sameysan. ✖Macmacaanka iyo shukulaatooyinka. ✖Baradhada iyo baastada. ✖Galeeyda, timirta iyo mooska . ✖Sokornta. ✖Cabitaanada aashitada leh sida cocada. Maxaa laguu ogolyahay: ✔Ukunta ✔Khudaarta caleemaha ah sida ansalaatad, iyo khudaarta miraha ah sida yaanyada, barnarooniga, khajaarka, liinta, iyo tufaaxa. ✔Cabitaanka liinta, qaraha, iyo biyaha caadiga ah. ✔Bataatiga macaan. ✔Digaag, iyo malaay. ◾Jadwalka maalinlaha ah: ▪️Quraacda waxaa cabeysaa biyo badan, guriga ayaa ku sameyneysaa jimicsi, waxaana ku quraacaneysaa ukun hal xabo iyo 5 xabo yaanyo, basal, iyo kabsar waxyaabahaas isku dardarso kadibna birtaawada ku kari, iyo koob biyo liin ah. ▪️Qadada: 1. waxaa cuni kartaa saxan salad khudaar la soo jarjaray ah(avokado, khajaar, barbarooni, yaanyo, ansalaato, karooto oo qaaddo saliid ah lagu daray). 2. ama waxaa cuni kartaa hal xabo oo bataati ah oo biyo kusoo karisa

Dhawrkii maalmood ay ciyaara socdeen

Dhowrkii maalmood ay ciyaaraha Maamul goboleedyada socdeen siyaasad iyo siyaasi warkiisaba waa laga mashquulay. Hadda sheekadii sidii hore ayay ku laabatay. Dalkeena wuxuu la' yahay dad hal abuur iyo xirfad leh oo shacabka maaweeliya Sports ahaan, Aflaan iyo Ruwaayado ahaan iwm. Marhore ayay siyaasiyiintaan qaabdarada badan qiimo beeli lahaayeen, shacabkana isku soo dhawaan lahaa inbadan, haddii barnaamiyo badan oo maaweelo iyo qaar bulsho oo waaqici ah dadka loo sameyn lahaa. Nasiib xumo hadda siyaasiyiin tuugo u badan oo dalkaanna aanan meel wacan u wadin ayaa booskii Atoorayaasha iyo Ciyaaryahanada iwm noogu jira oo habeen maalin sawiradooda iyo wararkooda aan ku waaberiisanaa, kuna seexanaa. Dadka hal abuurka iyo xirfadaha sare leh waxaan ugu baaqayaa inay Teknoolajiyada jirto ka faa'iideystaan oo Masraxa ay siyaasiyiintan wareersan kala wareegaan, shacabka isku soo dhawaashihiisana ka shaqeeyaan. Galab wanaagsan dhamaantiin. xigasho Ahmed kadiye 

Noloshaada sii Wado dhacdo Xanuun badan

Waxaa la soo gudboonaaday xanuun aad u daran oo sababi karay in uu naftiisa ku waayo, markii ay intaas ogaatay bey oysay, weyna awoodi waysay in ay ilmada ceshato. Qalliin dibadda ah oo loo qaadayey buu ogeysiiyey, iyadiina ma aysan sagootin, xitaa uma aysan qorin “nabadgalyo.” Sidaas ayuu ku baxay walow uu dareemayey niyadjab ku aaddan sagootin la’aanteeda. Nasiibwanaag, qalliinkii waa lagu guuleystay waxa uuna helay wadne loogu deeqay oo noloshiisa lagu badbaadiyey. Markii uu soo kabsaday buu taleefoonkiisii ku booday, waxa uuna ka baarayey farriin ama wicitaan xaggeeda ah, isaga oo aad uga walwalsanaa in uu warcelinteeda ka habsaamay, laakiinse taasi ma aysan dhicin, waayo ma aysan soo wicin dhambaalna warkiisa daa. Muddo ka dib, markii uu bogsaday buu dalkiisii hooyo ku noqday, haddana gurigii buu ka waayey oo ma aysan joogin. Isaga oo caro iyo cuqdad is celin la’ buu weydiiyey gabadha hooyadeed, halka ay lammaantiisu qabatay iyo sababta ay u soo xiriirin waysay xilligii uu geerida

Maxaa Siyaasiga Soomaaliyeed deris kala dhigay han yarida, hoorinnimada,iyo kalsooni darrada.

Image
Maxaa Siyaasiga Soomaaliyeed deris kala dhigay, han yarida, hoorinnimada, iyo kalsooni darrada.  November 15, 2020  Saaxiib xog ogaal ah ayaa ii sheegay in Madaxweyne Mustafa Omer, cidi ka codsan in uu kalmad ka dhiibto gulufka colaadeed ee lagu qaaday gobolka Tigray. Sidaa si lamida uusan asagu xataa talo iyo aragti weydiin Abiy Ahmed, si waxa uu saxaafadda la hortagayo isugu ogaadaan. Haddii xogtaasi rasmi tahay. waxaan is weydiiyey sababta siyaasad xumada iyo kalsooni daradu ay deris ula tahay hogaamiye kasta oo Soomaaliya? Doorashadii Kenya ee December 2002 ayaa Soomaalida oo u jeeda in Daniel Arap Moi iyo Uhuru Kenyatta (oo siyaasadda ku cusub) oo wada socda iyo Mwai Kibaki, oo madaxweyne ku xigeen u ah Daniel Arap Moi, oo murashax ah ayaa xubnihii siyaasadda iyo baarlamaanka ugu jiray Soomaalida oo saddex iyo toban (13) xubnood ahaa baroosinka ag dhigteen Arap Moi. Saxaafadda iyo isku soo baxa doorashada ayaa xildhibaanada Soomaalidu, uga nacamleynayaan Uhuru Kenyatta, oo wiil ya

Aabaha dhalay ra’iisulwasaaraha dalka UK.Boris Johnson

Aabaha dhalay ra'iisulwasaaraha dalka UK, Boris Johnson, ayaa sheegay inuu codsanayo dhalashada dalka Faransiiska maadaama Britain ka baxday Midowga Yurub. Stanley Johnson ayaa idaacada dalkaasi Faransiiska ee RTL u sheegay inuu waligiiba isku arki jiray inuu yahay nin Faransiis ah maadaama hooyadii ay ku dhalatay dalkaasi Faransiiska. Stanley oo 80 jir ah isla markaana horey u ahaa xubin ka tirsan xisbiga muxaafidka ee baarlamaanka reer Yurub ayaa aftidii sanadkii 2016 taageerayay in Britain ay ka sii mid ahaato midowga reer Yurub.... https://abdihamdiblog.wordpress.com/2021/01/01/142/